U bood dhigaalka

Galmudug Oo Rajo Ka Muujisay Heshiis Ay La Gasho Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inay mira dhalaan wada hadallada iyaga iyo maamulka Ahlu-unna ee Gobalka Galgaduud, lana so oaf jaro wax walbo oo ay tabanayaan Ahlu-sunna.

Wasiirka waxbarashada ee maamulkaasi Ibraahim Guureeye oo horay uga mid ahaa madaxdii Ahlu-sunna ee ka qeybgalay dhismaha Galmudug ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa sheegay inay jiraan wada hadallo u dhaxeeya iyaga iyo maamulka Ahlu Sunna ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Ibraahim Guureeye ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay wax walba oo ay tabanayaan ay ka qanciyaan madaxda Ahlu-sunna ee weli diiddan nidaamka loo marayo dhismaha Galmudug.

“Waxaan diyaar u nahay inaan qancinno qeybta Ahlu-sunna ee Dhuusamareeb, waxaa haatan inoo socda wada hadal aynu dooneyno in wax walbo lagu dhameeyo, islamarkaana nimankaan walaalaheena ah aynu qancinno” ayuu yiri wasiirka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa dhaliilsan maamulka Galmudug, waxaana jiray dadaallo uu waday maamulka Galmudug oo ay ku doonayaan in ay miiska wada hadalka la fariistaan cid walba oo wax ka tabeysa.

Goobjoog News