U bood dhigaalka

Michael Keating Oo La kulmay Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating  ayaa magaalada Garoowe kula kulmay baarlamaanka maamulka Puntland  arbacadii shalay taariikhduna ku beegneyd 10 Febraayo, iyadoo kulankani qorsheysnaa muddo dheer baarlamaanka Puntlandna ay horey uga arrinsadeen waxay ka yeelayaan wufuudda calaamiga ah ee la filayey xilligaas iney ku waajahan yihiin Puntland.

Wafdiga beesha caalamka ayaa u socoday sidii Puntland loogu qancin lahaa iney dib uga laabtaan go’aankooda hal-ka dhinac ah isla markaana Soomaaliya inteeda kale la jaan qaadaan.

Haddaba sidii la filayey xubnaha baarlamaanka Puntland ayaa Keating u sheegay inaaney marnaba qaadan doonin nidaamka 4.5 oo ay horey u diideen.

Ugu dambeyn go’aanka baarlamaanka Puntland ayaan la ogeyn in uu wax ka bedeli doono fikraddii beesha caalamaka iyo in kale, iyadoo sidoo kale aan la saadaalin karin jawaab celinta beesha Caalamku ka bixin doonto go’aankaas

Goobjoog News