U bood dhigaalka

Saameynta Uu Reebay Qaraxii Diyaaradda Daallo Airline

Sheeko:Dalka

Ka dib qaraxii labada bishan ka dhacay gudaha diyaaradda daallo airline waxaa soo ifbaxayey sameeynta uu reebay qaraxaasi iyadoo ay hakad galeen duulimaadyada  diyaaradaha Soomaaliya yimaada qaarkood.

waxaan si toos ah u socon dulimaadyadii ka bixi jiray garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaas oo tegi jiray waddamada Turkiga,Imaraatka iyo kuwo  kale, waxaa ku xayiran waddamo uu ka mid yahay Turkiga dad u soo socday dalka kuwaas oo ay dhibaatooyin ku haystaan garoonka magaalada Istambuul sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah dadkii halkaas ka yimid

Ku dhawaad 100 ruux ayaa ku xayiran magaalada Istambul ka dib markii uu hakaday duulimaadkii diyaaradda Turkish Airways  ay ka sameyn jirtay waddanka Soomaaliya sida uu Goobjoog u sheegay Maxamed Cismaan oo ka mid ahaa dadkii arrintaan ay saameynta ku yeelatay

Maxamed ayaa sheegay in dadkaas intooda badan oo wata baasaboorka Soomaaliga  markii loo diiday in ay galaan magaalada ay weli ku sugan yihiin garoonka Istambuul kuwa baasaboorada kale watayna ay iskood isaga bixinayeen lacagta ay magaalada ku joogayaan.

Shirkadaha bixiya adeegyada duulimaadka ama tikidhada ayaa si dhow uga warqaba saameynta qaraxii diyaaradda uu ku yeeshay dadka Soomaaliyeed

Maxamed Ciise oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkad ka shaqeysa adeegyada duulimaadka ayaa sheegay in ka shirkad ahaan ay ogyihiin dhibka ay la kulmayaan dadka Soomaaliyed ee u safri jiray wadamada caalamka

Maxamed ayaa xusay in dad goostay tigidhada wadamo ay u safri lahaayeen ay haysato caqabad diyaarad la’aan ah maadaama uu hakad galay dulimaadka wadamo kala duwan

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya go’aanka shirikadaha leh diyaaradaha Soomaaliya yimaada iyo sii socoshada adeegyadii duulimaadka dalka waxaana caalamku uu indhaha ku hayaa duulimaadyada ka baxaya wadankeena.