U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari “Dalku Waxa uu u Baahan yahay Qorshe cusub Oo Ka Duwan Barnaamijka Hiigsiga Cusub”

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 10 Feb ka hadlay qorshe cusub oo dalku u baahan yahay oo ugu yaraan 2-sano ah, laguna hormarinayo  Dhaqaalaha, Siyaasadda, Arrimaha Bulshada oo dhan walba taabanaya, wuxuuna hadalkaa ka jeediyay kalfadhigii 7-aad kulankisii gaarka ahaa ee 4-aad.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn sheegay in New Deal arrimo kooban uu wax ka qabto, laakiin Dalkani u baahan yahay qorshe qarameed dhowr sanno ah oo dhan walba leh; Dhaqaalaha, Siyaasadda, Bulshada oo waxoo dhan koobaya in la helo.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay , haddii aan qorshe qaran sameyno,Markaan waxaan garan kara dalka maanta heerkaas ayuu joogaa sadex sanno kadibna waxaas ayaa la fili karaa , golahanina uu ogolaado , wasaarad kasta oo timaadana lagala xisaabtami karo waa lagama maarmaan.

Sanadkan aan ku jirno August ayuu baarlamaanka wakhtigiisa ku egyahay,maxaa tala ah?, wax tala oo illaa iyo hadda ay inoo keeneen ma jiro.ayuu yir mar uu ka hadalayay xubnaha baarlamaanka ee ay u wakiisheen dhanka New Deal-ka.

Jawaari waxa uu yiri: “Waxaan la hadlay wasiirka qorsheynta, waxaan ku iri u diyaar garow garab socod iyo inaad noo soo diyaariso qorshe ugu yaraan illaa Labo ama Saddex sanno ah, oo qorshe horumarin qaran ah oo dhan walba leh, Bulsho, Siyaasad, Dhaqaale oo waxa oo dhan is ku keenaya oo dalkan baahidiisa oo dhan lagu maareynayo in la diyaaro, kaas oo horseed u noqonaya ama hor dhac u noqonaya, mashruuc horumarin shan sanadood ah oo dowladdaha dambe oo dhani isticmaalaan”.

horumarinta dhaqaale ma sameyn kartid, mid bulsho sidoo kale mid siyaasadeed lamid haddaanuu jirin qorshe horumarineed.

Dawlad iyo Dal laguma Wadi karo qorshe la’aan, waa in ay noo qorsheysan tahay meesha aan u soconno.

Ugu dambeyn waxa uu xubnaha xildhibaanada Fedraalka isagoo u sheegay in warbixintoodii laga sugayo, si tallaabooyin hor leh loo qaado.farriin u diray xildhibaanadii New Dealka u matalayay.