U bood dhigaalka

Turkiga Oo Duqeeyay Maleeshiyaad Kurdiyiin Ah Oo Ku Sugan Siiriya

Sheeko:Dalka

Ciidamada dalka turkiga ayaa duqeeyey goobo dalka Siiriya ay kaga suganyihiin maleeshiyo Kurdiyiin ah kuwaas oo dagaal kula jira dowladda Turkiga.

Turkiga ayaa maliishiyada Kurdiyiinta ah ugu baaqay in ay ka baxaan dhul ay dhawaan qabsadeen sida uu saxaafadda uu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga Ahmet Davutoglu.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Ankara in ay joojiso duqeynta ay ku heyso maliiishiyada Kurdiyiinta ah ee ka howlgala waqooyiga dalka Siiriya.

Dalka Turkiga ayaa ka fakaraya in uu qaado howl gal dhanka dhulka ah oo turkigu uu ku galayo bariga dalka Siiriya isga oo ku wehlinaya howlgalka dalka Sacuudi Arabiya.

Goobaha ay ciidamada Turkigu beegsadeen waxaa ka mid ah xarunta ciidamada cirka ee Menagh oo khamiistii la soo dhaafay kurdiyiintu gacanta ay ku dhigeen gaar ahaan kooxda loo yaqaano YPG.

Isaga oo warbaahinta la hadlaya ayuu sheegay Ra’iisulwasaaraha Turkigu in ay weeraro dheeraad ah qaadi doonaan haddii aysan kurdityiintu ka bixin xarunta ciidamada cirka oo dhanka koonfureed kaga began magaladda Azaz ee u dhow xuduuda Turkiga.

Mr Davutoglu ayaa ku eedeeyey maliishiyada kurdiyiinta ah in ay dilayaan dadka asal ahaan ka soo jeeda Carabta taas oo Turkigu ku tilmaamay Dambi dagaal.

Goobjoog News