U bood dhigaalka

Xildhibaan Fowsiya “Axsaabtu Waxay Beddel Fiican u Tahay Nidaamka Dib u Dhaca Inoo Keenay Ee 4.5”

Sheeko:Baarlamaanka

Fowsiyo Xaaji Aadan oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa si aad ah u Soo dhaweysay Ansixinta ay golaha Wasiiraddu ansixiyeen hindise Sharciyeedka Axsaabta ee ay meel mariyeen golaha wasiirada Dowladda Federaalka maalintii khamiista ahayd ee lasoo dhaafay 11 Feb,iyadoo ammaan iyo bogaadin u soo jeedisay Ra’isulwasaaraha iyo golihiisa wasiirada .

Fowsiyo ayaa ugu horeyn ku bilowday hadalkeeda “Arrinkaasi waa arrin loo fadhiyay lana sugayay, aadna loogu wada farxay, Axsaabta siyaasiga ahi waxay leeyihiin dowr muhiim ah xagga dowladnimada, waxay isku keenaan dad mas’uuliyiin ah oo isku xilsaara sixidda wixii ay khalad u arkaan, waxay isla markaa diyaariyaan shuruuc ama tallaabooyin ay rabaan xubnahooduna dan u arkaan dalka iyo dadkana dan ugu jirto, runtii haddaanay jirin Axsaab ma jireyso dowlad dadku u dhan yahay”.

Xildhibaanku waxa ay aad u dhaliishay nidaamka siyaasadeed ee 4.5 “Iminka ka soo qaad waxaan baarlamaanka ku joognaa 4.5, lagu qeybiyay qabiil oo dib u dhac ahayd, haddana qabaa’illo dhan oo laga tagay ayaa jira oo  cabanaya oo leh  miyaanan Soomaali ahayn maxaa nalooga tagay, Axsaabtu waxaas oo dhan wey ka duwan yihiin”.

Waxtarka axsaabta siyaasiga ah ayey ka hadashay ; “Axsaabtu waxay dadka baraan ra’yi iney yeeshaan, xuquuqdooda iyo dareenkooda siyaasadeed ay keenaan, waxay dadweynaha baraan ka doodista kolba wixii iyaga iyo dalka dan u ah iyo mowduuca kolba jooga oo ay dhan walba ka eegaan oo ay miisaamaan”.

Waxay hadalkeeda sii raaacisay “Axsaabtu waxay keenaan xasillooni siyaasadeed, qabiil xasilliini laguma gaaro, qabiilkana waa lagu tartamaa , dadka Soomaaliduna waa dad isla weyn nin walbaaba waxa aanuu ogolaaneyn in qabiilkiisa laga sarreeyo, dagaal iyo buuq bay keentay 4.5”.

Xildhibaanku waxa ay xustay in Axsaabtu keenayaan nabad iyo xasilooni, horumar,  waxay tiri “waa muhiim waana rajo cusub oo dadka hadda soo gashay , waa in dhalinyarada loo diyaariyaa mustaqbal xalaal ah oo fiican oo ay horumarka caalamka kaga qeyb gali karaan, caalamka ma jirto meel baarlamaanada qabiil lagu keeno,  Dalalka dariska ah oo dhan eeg kama arkeysid baarlamaan qabiil lagu soo xulay, haddana dadku qabiil waa wada leeyahay, qabiilku waa waxa adduunka inaga reebay Axsaabtuna waxay bedel fiican u tahay nidaamkaa dib u dhaca inoo keenay”.

Ugu dambeyn waxay ammaan u soo jeedisay ra’isulwasaaraha iyo golahiisa wasiirada, waxayna xustay in ummadda ay rajo cusub soo gashay, waxayna sheegtay in xubnah Baarlamaanka oo ay ka mid tahay degdeg u ansixin doonaan.

Goobjoog News