U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Wada Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Ciidamadan ayaa ku baxay deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Wariyaha Goobjoog ee gobolkaasi Aadan Xuseen Daa’uud ayaa sheegay in deegaannada hadda ciidanka ka wadaan dhaqdhaqaaqyada ay qiyaas ahaan degmada Jowhar dhanka waqooyi bari uga beegan yihiin qiyaastii 75-km.

Ciidankaan ayaa ku baxay deegaannada Biyo Cadde, Miirtuugo iyo sidoo kale deegaanno Al-shabaab ay maamulayeen ku dhawaad 7 sano.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hogaamineysa howlgalladaan ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan halka sida rasmiga ah ugu qorsheysan inay tagaan sababo ciidan awgeed.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa horay Al-shabaab waxay kala wareegeen deegaannada kala ah Caadley, Ceel-baraf, Qoordheere iyo Biyo Cadde.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News