U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay ayaa ku waramaya in halkaasi ay ku dagaallameen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Ciidamada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi abaare Salaadii subax ee saaka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Wariyaheena gobolka Baay Aadan Geesey ayaa soo sheegaya in ciidanka Al-shabaab ay ugu dambeyn la wareegeen deegaanka Deynuunaay.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in gurmad ahaan ay halkaasi u aadeen hase ahaatee markii ay marayeen halka lagu magacaabo Maayafuulka iyagana jidka u galeen Al-shabaab islamarkaana halkaasi dagaal uu ka dhacay.

Deegaanka Deynuunay ayaa hadda ah mid haawanaya, Al-shabaab waa ay ka baxeen, ciidanka dowladana weli kuma aanay laaban halkaasi inkastoo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan magaalada Baydhaba.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulka Koonfur Galbeed oo ka gaabsaday in magaciisa baahinno ayaa xaqiijiyey in ay jiraan khasaare kala duwan oo weerarkaasi ka dhashay, waxaana uu xaqiijiyey in dhaawacyada Afar Askari oo ka tirsan dowladda la keenay magaalada Baydhabo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News