U bood dhigaalka

Hoggaanka Ciidamada AMISOM Oo Beeniyay In ISIL Weerar Ku soo Qaadday Ciidankooda

Sheeko:Dalka

Joe Kibet afhayeenka AMISOM oo la hadlay Goobjoog News ayaa beeniyay warar sheeagaya in ISIL (Daacish) ay weerar ku qaadday ciidankooda oo marayey duleedka Muqdisho.

“Kolonyo ciidankeena ah ayaa maqlay qarax ka dhacay KM-13 xilli ay goobta dhaafeen, Markii ay soo laabteen ciidankeena waxaa ay arkeen qarax Bam, Cidna waxba kuma noqon” ayuu Joe Kibet Goobjoog u sheegay.

Isniintii, Kooxda ISIL ayaa sheegatay in ay weerar ku qaaday ciidanka nabad ilaalinta AMISOM oo marayey duleedka Magaalada Muqdisho kaasi oo ay sheegeen inuu ahaa kii ugu horreeyay ee ay ka fuliyaan Soomaaliya.

ISIL, ma sheegin khasaare ay halkaas ka geysteen balse waxaa qoraalkooda ku jirtay in ay diyaarinayaan weerraro kale iyagoo ugu baaqay shacabka jihaad iyo in dagaal lagu qaado AMISOM.

Afhayeenka Amisom  Joe Kibet waxaa uu dhinaca kale ka hadlay weerar Al-shabaab saakay oo Talaado ah ku qaadday xarunta AMISOM ee Jannaale, weerarkaas uu ku tilmaamay mid dhicisoobay.

Isla Xeradan:

September 1, 2015: Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Xero ay AMISOM ku laheyd Jannaale, Xerada Amisom ee la weeraray, ayaa waxaa deganaa Ciidamada Uganda, Shabaabku waxay sheegteen inay ku dileen 70 ka mid ah Xoogaga Uganda ee Amisom ka tirsan.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid loogu aargudaayay shacabkii, ay dhawaan Ciidamada Uganda ku dileen Magaalada Marka.

Goobjoog News