U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Ka Qabsay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay la wareegeen degmada Ruunirgood ee gobolka Shabellaha dhexe iyo deegaanno dhowr ah.

Deegaannada ay la wareegeen ciidankaan ayaa ku dhawaad 8 sano waxaa maamulayey Xarakada Al-shabaab.

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Shabellaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in ciidanka ay la wareegeen degmada Ruunirgood iyo sidoo kale deegaannada kala ah Masjid Cali Gaduud, Nuur Dugle, Geedi Xeer, Tawakal, Towfiiq iyo Qahira.

Dhinaca kale saraakiil ka mid ah ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxay sheegeen in sidoo kale ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo gobolkaasi ah.

Lama sheegin dagaallo dhacay markii ay ciidanka halkaasi la wareegayeen.

Degmada Ruunirgood ayaa qiyaastii 150 Km u jirta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana maalmahan dambe ciidamada dowladda ay gobolkaasi ka wadeen howlgallo dhul ballaarsi ah.

Goobjoog News