U bood dhigaalka

Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Dalka Turkiga Ka Wada Ganacsi Heer Caalami Ah

Sheeko:Dalka

Dalka Turkiga waxaa ku nool Soomaali badan oo badankood u tagay halkaa In ay wax ka soo bartaan kadib markii ay ka heleen dowladda Turkiga deeqo wax barasho.

Haddaba waxaa jira arday Soomaaliyeed oo markii ay ka qalin jabiyeen jamacadaha dalkaa go’aan ku gaaray in ay abuurtaan fursado shaqo oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa ka mid ah Labaatanka dal ee dunida ugu dhaqaalaha badan caalamka isagoo iminka soo jiidanaya malaayiin maalgashi doon ah.

Cabdirisaaq Yuusuf Cismaan waa guddoomiyaha Shirkadda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee SAHAN EXPORT LTD, waa shirkad ay leeyihiin ganacsato  Soomaaliyeed oo deggan wadanka Turkiga gaar ahaan magaallada İstanbul, shirkadaan waxay ka shaqeysaa fududeynta hawlaha ganacsiga ee caalamiga ah sida wax dhoofinta, soo dejinta, dalxiiska iyo kala gadista guryaha.

Iyaga oo xoogga saara beec geynta badeecooyinka kala duwan ee ay soo saaran warshadaha Turkey, taas oo ay u fududeyso ganacsatada Soomaaliyeed iney helan Alaab tayo sare leh, Qiime macquul ah sida uu Goobjoog Fm u shaagey Abdirisaq Yuusuf Cismaan oo ka mid ahaa dadkii aas aasay Shirkadda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Sahan 2012.

“Annagu waxaan nahay sirkadii ugu horreysay ee Soomaaliyeed wadankaanna laga furay looguna tala galay in ay fududeyso xiriirka ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga, waxaan soo joognay wadankaan oo markii la dhaho Soomaaliya baan ka nimid oo aanba lagu garaneen, laakiin maanta hadii aad tiraahdo waxaan ahay Soomaali Labada gacmood lagugu salaamayo, annaga waxaan dhoofinaa alaabta Turkiga soo saaro waxaan u dhoofinaa wadankeena iyo wadamo dhowr ah sida kuwa dalkeenna deriska la ah ee Kenya iyo Itoobiya” ayuu yiri Cabdirisaaq.

“Xilligii hor waxaa adkeyd in Soomaaliya alaabta toos loogu diro, laakiinse hadda dekadaha Muqdisho, Berbera iyo Kismaayo ayaa si caalami ah u shaqeynaya, waxaan ganacsatada ugu baaqayaa inay usoo jeestaan Turkiga oo ay kasoo jeestaan Shiinaha, wadankaan sidii uu inoogu hiiliyey aynu ugu hiilinno inagana dhanka dhaqaalaha” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cabdirisaaq.

Goobjoog News