U bood dhigaalka

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Billaabatay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah waxaa 159 goobood oo ka mid ah gobolka Waqooyi Galbeed magaalada Hargeysana ugu horreyso waxaa ka billowday diiwnaagelinta codbixayaasha dorashada 2017 ee baarlamaanka iyo madaxtinimada taasi oo bishii Afraad ka socota Somaliland.

Diiwnaagelintan waxaa ka horreysay diiwangelin hore oo lagu sugaayey u dhalashada deegaannada Somaliland taasi oo lagu siinayo qofka warqaddan ah inuu codayn karo doorashada .

Cabdiraxmaan Axmed Sagal oo ka mid ah guddida doorashooyinka oo iyagu  ah hay’ada qaabilsan bixinta kaararkan ayaa sheegay in kaarka oo la qaato ay ka dhalanayso doorasho sax ah oo ka dhacda Somaliland.

Shuruudaha lagu qaadan karo kaarkan ayaa waxay ka mid ah in qofku uu ka weynaado da’da 16 sano jir.

Madaxweyne Siilaanyo iyo mas’uuliyiin xilal ka haya xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland ayaa iyaguna Hargeysa ka qaatay kaarka codaynta.

Gobolka Waqooyi Galbeed ayaa noqonaya kii Afraad iyada oo horayna Saddexdii Bilood ee lasoo dhaafay loo diiwaangeliyey dadweynaha ku dhaqan Saaxil, Togdheer iyo Awdal.

Diiwaangelintu waxay gobolka ka socon doontaa  muddo Bil ah, maanta ka bilaabmysa iyada oo ay horayna ay jirtay in codeyntan loogu hakiyey arrimaha la xiriira abaarta Somaliland ku dhufatay.

Cumar Serbia

Goobjoog News

Hargeysa, Somaliland