U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Oo Ka Shiraya Dagaalladii Galgaduud

Sheeko:Dalka

Magaalda Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa maalintii shalay ahayd gaaray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyadoona halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Cabdi Maxamed Cumar oo ah Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magaalada Jigjiga kusoo dhaweeyay Madaxweyne Guuleed.

Ulajeedka halkaasi uu u tagay Mr Guuleed ayaa ah in maamulka Jigjiga ay ka wada hadlaan dagaalladii dhawaan waqooyiga gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidanka Liyuu Boolis ee maamulkaasi ka ammar qaata iyo sidoo kale dad shacab ah.

Waxaa shirarkaan diiradda lagu saari doonaa sidii loo soo afjari lahaa xiisaddan, islamarkaana loo wada heshiin ah, lagana wada xaajoon lahaa khasaarihii ka dhashay dagaalladaasi.

Madaxweyne Guuleed ayaa kahor inta aanu imaan Jigjiga waxa uu magaalada Addis Ababa uu kula soo kulmay madaxda dowladda Itoobiya oo arrimo badan kasoo wada hadleen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isaguna ku sugan Jigjiga waxa uu doonayaa in kaalin uu ka qaato wada hadallada lagu xallinayo dagaalladii ka dhacay gobolka Galgaduud gaar ahaan dhanka xuduudda Itoobiya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News