U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Diray Hambalyo Ku Aadan Maalinta Shaqaalaha Soomaaliyeed

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hambalyo ballaaran u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo kalfadhiga 8aad kulankiisa la 6aad ka hadlayay maalintii shalay ayaa si gaar ah uga hadlay maalinta shaqaalaha Adduunka 1 May, isagoo hambalyo gaar ah u diray guud ahaan shaqaalah Soomaaliyeed kuna tilmaamay laf-dhabarta dhaqaalaha ummadda, waxaana hadaladiisii ka mid ah:

“Berrito waa 1 May waa maalintii shaqaalah waxaan magaca golaha shacabka iyo shaqaalaha golaha shacabka dhamaan, hambalyo diiran u diraynaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed” .

“Shaqaalaha Soomaaliyeed waa laf dhabarta dhaqaalaha, horumarinta, hase yeeshee, waxaa lagama maarmaan ah in shaqaalaha ay is abaabulaan waa ururro bulsheed oo muhiim ah, dastuurku sida uu qabo waxay isku abaabuli karaan qaab ay ku dhistaan ururadooda shaqaale, waxayna cod dheer ku leeyihiin dimuqraadiyadda dalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyuhu waxa uu ku dhiiri geliyay shaqaalaha  iney kaalintooda siyaasadeed iyo tan dhaqaalaba ay fahmaan oo ay is abaabulaan:

“Waxaan ku dhiiri gelinaynaa iney is abaabulaan is nidaamiyaan oo dowrkoodii siyaasadeed dowrkoodii dhaqaale ay dalkan ka qaataan, in badan bay saaxada ka maqnaayeen waa lagama maarmaan iney shaqaaluhu is abaabulaan si nidaamsan ay xukuumadda iyo baarlamaanka iyo dhamaan kaabayaasha dowladaba u wada shaqeeyaan”.

Ugu dambeyn, 1 May ayaa ah maalinta shaqaalaha Adduunka, dal kastana looga dabaal dego, iyadoo maanta oo kale ay ahaan jirtay maalin fasax iyo dabaaldeg u ah shaqaalaha Soomaaliyeed.

Goobjoog News