U bood dhigaalka

Mobillada Ugu Qaalisan Caalamka…Price: $15.3 million!!

Akhistow waxaa laga yabaa in aad qaali leedahay Mobil boqolaal Dollara jooga, Ma iibsan laheyd Mobil jooga, 3 Milyan ama mid kale oo 15 Milyan oo Doollar ah.

 Mobil Aan La Dhageysan Karin: Haddii dadka ay ku dhib qabaan in Mobilladooda la dhageysto, hadda waxaa soo baxay Mobillo ay adag tahay in la dhageysto ama la jaajuuso, qiimaha Mobilkan waa 20 Kun oo Dollar, Waxaana soo saaray Sirin Labas.

The Chairman: Waa Mobil kale oo aad u qiimo badan,  Waxaa iska leh shirkadda Ulysse Nardin”, Waxaa uu ka sameysan yahay Dahab nooca 18 loo yaqaano, Shaashadiisana waa mid weyn, Qiimaha waxaa lagu sheegaa: 123.500.
Vertu Ti: Waa nooc kale oo aad u qiimo badan, 12 Kun oo Dollar ayuu joogaa, Memorigiisa waa 1 G

Savelli Jarden Secre: Waa Mobil aad u qaalisan oo Jowharad ah, Waa lagu iibiyaa ilaa 120 Kun oo Dollar

Vertu Signature Cobra: Waxaa soo saartay shirkadda Faransiis ah oo ka gacansata Jawaahirta, qiimaha waxaa lagu sheegay 310 Kun oo Dollar.
Gresso Luxor Las Vegas Jackpot:  Waxaan u maleynaa in aadan rumeysan doonin in qiimaha Mobilkan uu yahay Hal Mliyan oo Dollar.

Iphone oo Maas ka sameysan waxaa qiimahiisa lagu sheegay ilaa 15.3 Milyan oo Dollar, Waxaa uu Mobilkan ka sameysan yahay Dahab nooca 24 loo yaqaano, waana Mobilka hadda ugu qaalisan aduunka.