U bood dhigaalka

Ciidamada Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigay Shaqsi Dil Ka Geystay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay ciidamada Galmudug ay soo qabteen nin habeenkii xalay ahaa qof rayid ah ku dilay deegaan 20-km u jira deegaankaasi.

Cabdi Axmed Yuusuf oo ah guddoomiyaha Gadoon ee Galmudug oo la hadlay Goobjoog News ayaa tilmaamay in dilkaan uu ahaa aano qabiil islamarkaana ruuxii ka dambeeyay ay gacanta ku hayaan, cadaaladdana ay marin doonaan, isaga oo sheegay in Odayaasha dhaqanka deegaankaasi ay horay go’aan uga gaareen arrimaha aanooyinka qabiilka.

“Dhacdadaasi wey dhacday waana laga howlgalay ciidamada amniga Gadoon ayaa ka howlgalay ninkii falkaasi geystay waa lasoo qabtay, horay waxaa go’aan loogu gaaray in qofkii qof dila shareecada Islaamka la mariyo, aano qabiil ayuu dilkaan u geystay, aanooyinka sidaas ahna annaga shuruuc baan u sameynay hadaba wixii aan u sameynay ayuu marayaa oo duubabka dhaqanka goobjooga ka ahaayeen” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ka maamul ahaan aanay u dulqaadan doonin in deegaannadooda dib loogu soo celiyo falalka la xiriira aanooyinka qabiilka.

Gobollada Mudug iyo Galgaduud waxaa kusoo laabtay falalka la xiriira aanooyinka qabiil, hase ahaatee maamulka Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii nabad loo kala dhex dhigi lahaa beelaha wada deggan gobolkaasi.

Goobjoog News