U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladdu Wey Bixisaa Mushaarka Ciidanka Dalka Difaacaya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabad shalay loogu dabaaldegayey maalinta shaqaalaha adduunka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay bixinta mushaaraadka shaqaalaheeda, iyo sidoo kale ciidanka dowladda.

Madaxweyne Xasan ayaa meesha ka saaray warar horay usoo baxay oo sheegayey in ciidamada dowladdu aynaan qaadan wax mushaaraad ah iyo xuquuqda ciidamadanimo oo dowladdu ay ku leeyihiin.

Wuxuu tilmaamay in waqtiga u harsan dowladda federaalka in ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha dalka jira iyo arrimaha bulshada oo dowladdu ay isku dayi doonto in sare loo qaado horumarinta adeegyada bulshada.

“Dowladda Federaalka ee Mandate-keeda maanta sii dhamaanayo markii ay timid baaxadda shaqaalaha inta uu ahaa dowladda rayidka ah inta ku korortay waa la sheegay, dalkaan ceel shidaal ah uma qodna, dahabna meel ugama soo dillaacin, caalamkana beeso kama soo duldaadin, shaqaalahaas la sheegayo mushaarkooda dowladda Federaalka ayaa bixisa, ciidamada aan sheegayno oo Boqolaal Kiilo Mitir meel magaalada Muqdisho u jirta ku dhimanaya ama ku dhaawacmaya mushaaraadkooda dowladda ayaa bixisa, wey dhici kartaa mushaarka inuu daaho, wey dhici kartaa waxyaabo badan oo u baahneen inay mar un naga baaqdaan laakiin waxa yar ee aynu haysanno hadba meesha aan ku aadin karno ayaan ku aadinnaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ku baaqay in aan la dhageysan dad uu sheegay in mar walbo ay jecelyihiin bulshada inay niyad jabiyaan, islamarkaana la eego oo kaliya horumarada lagu tallaabsanayo.

Goobjoog News