U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Degmada Ruunirgood Oo Shalay Dagaallo Ay Ka Dhaceen

Sheeko:Dalka

Deganaansho cago badan ku taagneen ayaa saaka laga dareemayaa degmada Ruunirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo shalay dagaallo xooggan ay ka dhaceen.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxay ka kala wadaan degmadaasi iyo deegaannada kaabiga ku haya sida ay Goobjoogayaal inoo soo sheegayaan.

Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aanay hadal dagaalladii shalay ka dhacay degmada Ruunirgood halkaasi oo khasaare badan uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyey 20 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa shalay dagaalladaasi ku dhintay iyadoo dhaawac intaasi ka badan uu jiro.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen degmada Ruunirgood oo maalin kahor laga qabsaday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News