U bood dhigaalka

Isbaarooyin Laga Qaaday Deegaanka Gelinsoor Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ay ciidamada Galmudug ku qaadeen Isbaarooyin yaalla waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegaankaasi Cali Saciid oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay ku guuleysteen qaadista Isbaarooyin dhowr ah, islamarkaana ay lasoo wareegeen maleeshiyaadkii hubeysnaa.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dhammaan meelaha ay maleeshiyaadka ku sugnaayeen ay la wareegeen ciidanka Galmudug, islamarkaana ay si nabad galyo ah ay halkaasi ku tageen.

Maleeshiyaadkii isbaarooyinka dhiganayey ayuu sheegay in dhammaantood ay qeyb ka noqon doonaan ciidanka Galmudug, islamarkaana tababaro la siin doono.

“Isbaarooyinkii dhan waa la qaaday, nimankii ay u yaaleenna si sharaf leh bay kusoo wareejiyeen, maleeshiyo beeleed bay u taallay iyagana hadda annaga ayeey nala joogaan mushaar baa loo qorayaa, waana la tababarayaa” ayuu yiri guddoomiyaha Gelinsoor.

Ciidamada Galmudug ayaa dhawaan howlgallo Isbaaro qaadis ah ka billaabay waddooyinka isku xira Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Gelinsoor ee gobolka Mudug.

Goobjoog News