U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buuloburde Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa guul ka sheegtay dagaal ay ciidanka dowladda la galeen Xarakada Al-shabaab kaasi oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmadaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdicasiis Duurow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ka war heleen ciidamo Al-shabaab ah oo soo galay deegannadaasi kadibna ay weerar qaadeen.

Waxa uu sheegay inay dileen saraakiil ka mid ah Al-shabaab gaar ahaan sarkaal uu sheegay in lagu magacaabo Xiirey oo bariga gobolka Hiiraan caan ka ah iyo dagaalyahanno kale.

“Raggii Al-shabaab ahaa ayaa soo galay deegaanno ku dhaw degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan, hase ahaatee weerar ayaan ku qaadnay waxaan dilnay saraakiil uu ku jiro shaqsigii hogaaminayey oo Xiirey lagu magacaabo, hubna waan kasoo qabannay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Marka laga soo tago sheegashada maamulka degmada Buuloburde ma jirto dhanka  Al-shabaab war ay kasoo saareen dagaalladaasi.

Goobjoog News