U bood dhigaalka

Dekereetada Madaxweynaha Kadib, Maxaa Xiga?

Dekereetada Madaxweynaha Kadib, Maxaa Xiga? waa su’aal aan hordhignay Xildhibaan Maxamud Cali Dhuux, Maxamed Xasan Xaad, Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi, Cabdirashid Khalif iyo  Maxamed Axmed Diiriye.

Xildhibaan Maxamud Cali Dhuux:

Xildhibaanka Maxamud waxaa uu ugu horeyn taageeray Dekeretada madaxtooyada, isagoo intaa raaciyay in Xildhibaannada ay matalaad ku lahaayeen hiigsiga oo guddoomiyaha iyo xildhibaanno kale ay ku jiraan.

Xildhibaan Maxamud Cali Dhuux waxaa uu soo jeediyay in danta guud la fiiriyo iyo duruufta uu dalka marayo ee aan la fiirin uun sharciga.

Xildhibaanka oo ka hadlay tilaabada xigta waxaa uu sheegay in go’aanka madaxweynaha la howlgeliyo, Baarlamaanka uu la shaqeeyo madaxweynaha.

Maxamed Xasan Xaad:

Nabadoon Xaad ayaa isna taageeray go’aanka Madaxweynaha iyo Dekeretada uu saxiixay, isagoo sheegay in Xasan Sheekh aanu heysan waddo kale oo u furneed.

Dhinaca Maqaamka Muqdisho waxaa Nabadoon Xaad sheegay in Madaxweynaha aanu cadeyn ama qeexin Mataalaadda Muqdisho sida ay tahay, taasina ay saluug ka qabaan, isagoo ka walwalsan gabagabada natiijada.

Maxamed Xasan Xaad waxaa soo jeediyay in reer Muqdisho ay ka tashtaan waxa xiga haddii ay heli waayaan Mataalaaddii ay u baahnaayeen, isagoo soo hadal-qaaday in Caasimadda laga raro Muqdisho mar hadii 3 Milyan xuquuqda la duudsiinaayo.

Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi

Zakaiye ayaa isweydiiyay qodobka uu cuskaday marka uu Dekerada uu soo saaray, isagoo sheegay in haddii qodobkaas la waayo ku sheegay Inqilaab iyo in dalka hal qof u afduuban yahay, laakin waxaa uu amaanay in Xasan Sheekh uu dalka ka saaray xaalad Qatar ah.

Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi waxaa uu ku dooday in Soomaaliya midnimadeeda ay hartay oo kaliya Caasimadda iyo calanka, loona baahan yahay in Muqdisho aan laga dhigin magaalo qabiil.

Cabdirashid Khalif:

Cabdirashid Khalif oo ah agaasimaha Heritage Institute ayaa dhankiisa mar uu hadlayey go’aanka madaxweynaha iyo Dekereetada uu soo saaray waxaa uu sheegay in Xildhibaannada laga xoog battay oo la isugu tagay.

Mudane Cabdirashid dhinaca kale waxa xiga ee la filan karo maalmo soo socda waxaa uu  qabaa  in bisha June xildhibaanno la soo xulo, bisha July dhamaadkeeda la dhaariyo.

Maxamed Axmed Diiriye:

Maxamed Axmed Diiriye ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay in uu sheegay in Maqaamka Muqdisho arrinteeda tixgelin la siin doono, waxaa uuna intaa ku daray in ay ka warsugayaan ballanta madaxweynaha iyo sida ay natiijada noqon doono.

Ina Axmed Diriye waxaa uu ku taliyay in reer Muqdisho ay qeylada sii wadaan, dibad baxyada sii socdaan, si Muqdisho u hesho aqoonsigii loogu talagay.

W/D:- C/casiis Gurbiye

Goobjoog News