U bood dhigaalka

Beello Dagaallamay Oo Lagu Heshiisiiyay Galmudug

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug isuguna jira wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan oo gaaray deegaanno u dhaxeeya Baxdo iyo Qeydaro oo Labo maalin kahor ku dagaallameen Labo Maleeshiyo beeleed oo ka wada tirsan qabiillada degga Galmudug ayaa ku guuleystay in heshiis horudhac ah kala dhex dhigaan.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali Socdaal oo qeyb ka ah wafdigan ayaa Goobjoog News u faah faahiyey qodobada Labada dhinac ay ku heshiiyeen isaga oo xusay in la saaray guddi ka kooban 15 xubnood oo hubin doona dhaqan galka Heshiiskani.

“Waxaa lagu heshiiyey Xabad Joojin, waxaa la magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo xaqiijin doona xabad joojinta, waxaa lagu heshiiyay in ciidamada la kala qaado, sidoo kalena gogol la dhigo annaga ayaana soo sheegi donna, cidda jabisa heshiiskaasi inay mas’uul ka noqon doonto wixii dhaca” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Labada Beelood ayaa soo dhaweeyay dadaalka Galmudug ku raadineyso heshiis la gaaro lana dhameeyo wax walbo oo Labada dhinac soo kala gaaray.

Maamulka Galmudug ayaa dadaal xooggan ku bixinaya sidii lagu dhameyn lahaa dagaal beeleedyada ka jira guud ahaan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News