U bood dhigaalka

12 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Baladweyne

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in 12 qof ay magaaladaasi ugu dhinteen cudurka shuban biyoodka sidoo kalena ay jiraan dad kale oo la il daran cudurkaasi.

Cumar Aadan Deeqow oo ah duqa magaalada Baladweyne oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadkani ay ku dhinteen xaafadda Buundo-weyn, islamarkaana 8 ka mid ah dadka dhintay ay Carruur yihiin.

“Weli ma dhihi karno cudurkaan waa Daacuun, laakiinse waxaan sheegaynaa in shuban biyood yahay, waxaana dhintay 12 qof, isbitaalka lama geyn karo oo waddooyinkii baa biyo kala xireen, laakiinse dadaal wuu iska jiraa” ayuu yiri Deeqow.

Duqa Baladweyne ayaa dhinaca kale sheegay in sababta cudurkaan keentay tahay dadkan oo biyo wasaqeysan cabay, maadaama ay bulaacadihii iyo biyahii wabiga isku furmeen.

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana jira meello badan oo biyo fariisad ka sameysay, iyadoo hadda laga baqayo in cudurka Shuban biyoodka ku faafo guud ahaan magaaladaasi iyo deegananada ku dhaw.

Goobjoog News