U bood dhigaalka

Hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka Oo Xusaya Dagaalkii Ugu Dheeraa ee Dhex Mara Labada Dal

Sheeko:Dalka

Hogaamiyaha Francois Hollande iyo Jarmalka Chancellor Angela Merkel ayaa maanta xusaya dagaal 10 sano socday oo labada dhinac dhex maray dagaalkii koobaad ee Adduunka.

Dagaalkan oo Loo yaqaano dagaalkii Verdun, waxaa ugu dambeyntii ku adkaaday dalka Faransiiska, waxaana labada dhinac uga dhintay askartii ugu badneyd.

Ms Merkel oo ka hadashay safarkeeda Faransiiska waxaa ay sheegtay in xuskan uu daliil cad u yahay meesha uu marayo xiriirka Jarmalka iyo Faransiiska maanta, oo ah mid aad u wanaagsan.

Xuska dagaalkan  Verdun oo socday 21 February – 15 December 1916, waxaa ay ujeedadiisa tahay in dadkii dhintay la xusuusto iyo in dunida la tuso halka ay ka timid Yurub iyo meesha ay maanta joogto, dagaalkii koobaad ee adduunka meelo badan ayuu ka dhacay waxaa  ka mid ahaa Verdun, halkan waxaa ka dhacay dagaal muddo dheer socday.

Dagaalkii Koobaad ee Dunida:(1914-1918)

Dagaalkan,  oo ka  dhacay Europe, Africa, Bariga dhexe iyo China, waxaa uu socday Mudadii u dhaxaysay 1914- 1918, dagaalkan waxaa uu dhex maray Dalal la magac baxay Isbahaysi(Allied Powers) sida: Ruunsha, France, Brtian, Italy iyo Mareykanka iyo Central Powers sida: Germany, Austria, Hungary, Bulgaria iyo Boqortooyada Osmaaniyiinta ee Turkiga, dagaalkan waxaa ku waxyeeloobay 40 Milyan oo 20 Milyan oo kadib geeriyoodeen, waxaa kaloo la sheegaa in wax kabad 60 Milyan laga dhigay Askar. 

Goobjoog News