U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Maxkamadeynaya Nin Bam Ku Tuuray Maqaayad Ay Leeyihiin Soomaali

Sheeko:Dalka

Maxkamad Ku Taalla Dalka Mareykanka Ayaa Sheegtay Inaan La Sii Deyn Doonin Nin Ku Tuuray Bambo Dab dhalisa Maqaayad Ay Leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku taalla halka lagu magacaabo Grand Forka, maxkamad oogeyaasha ayaa ninkaan ku eedeeyey inuu ku kacay dembi nacayb ah.

Matthew Gust, of East Grand Forks, oo ka soo jeeda magaalada Minnesota ayaa ku eedeysan inuu beegsaday maqaayadda lagu magacaabo Jubba Coffee House sababo la xiriira jinsiyadda dadka ka shaqeeya iyo macaamiisha, Mr Gust wuxuu iska fogeeyey in dhacdadii bishii December ay salka ku hayso jinsi nacayb isagoo qirtay dhawr eeydeymo ah oo loo soo jeediyey.

Xukunka maxkamadda ayaa lagu wadaa inuu dhaco 29-ka bisha August intii xilligaas ka horeysana wuxuu codsay in loo geeyo waalidkiis ama goob lagu daryeelo si ay uga caawiso inuu ka caago qamriga loona ogolaado inuu shaqeysto.

Xaakinnada maxakamadda waxay sheegeen in Mr Gust uu yahay nin doonaya inuu ka fakado dalka inta aan la maxkamadeyn islamarkaana uu Qatar ku yahay bulshada aysanna habbooneyn in la sii daayo.

Goobjoog News