U bood dhigaalka

Puntland Oo Beenisay Iney Sii Daayeen Dhallinyaro Lagu Qabtay Dagaalkii Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inay sii daayeen dhallinyaradii lagu soo qabqabtay dagaalladii Al-shabaab ee xeebaha Puntland ka dhacay.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay xiriir lasoo sameyeen walidiintii dhalay carruurtii lagu soo qab-qabtey dagaaladaasi.

Wasiirka wasaarada Cadaalada ee Puntland Salaax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in  dhaqan celin u samaysay Puntland dhallinyaradii dhawaan lagu soo qabtay dagaalladii u dhexeeyey Puntland iyo Xarakada Al-Shabaab.

“Dhallinyarada waxay meesha ku haystaan waxbarasho wanaagsan oo dhaqan celin ah, waxaan ka dhiseynaa waxyaabaha yar yar, waxaan sugeynaa maxkamadda, carruurtana hade xeer baa kayaalla, waxaan sheegaynaa inay been tahay inaan sii deynay qaar ka mid ah maxaabiistaasi, dhammaan wey ku sugan yihiin xabsiyada Puntland, waxaan u suurta gelinnay carruurta inay la hadlaan waalidkooda una sheegaan inay bad qabaan” ayuu yiri Wasiirka.

Maalmahan dambe waxaa deegaannada Puntland kusoo badanayey hadal haynta ah in lasii daayey qaar ka mid ah dhallinyaradii ciidanka Puntland kusoo qabtee dagaalladii ay la galeen Al-shababa ee ka dhacay Mudug iyo Nugaal.

Goobjoog News