U bood dhigaalka

Faah Faahin: 40 Qof Oo Ciidanka Liyuu Boolis Ku Dileen Xadka Ay Wadaagaan Soomaaliya Iyo Itoobiya

Sheeko:Dalka

Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in ay dileen dad shacab ah oo gaaraya 42 kuwo kalena ay dhaawaceen.

Tuulada Jaamac Dubad oo ka tirsan Gaashaamo 220 km u jirta magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa lagu laayey dadkaan shacabka ah maalin kahor.

Dadka la laayey waxaa ku jira haween iyo carruur sida ay soo sheegayaan dadkii halkaasi kasoo barakacay.

Maxamed Saciid oo ku nool deegaanka ku dhaw halka dhibtan ay ka dhacday ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka la laayey ay ahaayeen dad ku haray deegaankaasi kadib markii dadka shacabka ah ay barakaceen.

Arrintan ayuu sheegay inay ka billaabatay kadib markii ay isku dhaceen Qaad wadayaal iyo sidoo kale ciidanka Liyuu Boolis, dagaal dhexmaray Labadaasi dhinacna uu ku dhintay sarkaal Liyuu Booliis ah, balse carro ay taas ka qabaan ay dadkii shacabka ahaa kusoo weerareen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Meyadadka shacabkii la laayay ayaa meel la’isugu keenay, iyadoo baraha bulshada lagu soo bandhigay muuqaallada Meydadka shacabkaasi.

Ciidamada Liyuu Booliis ayaa sidan oo kale waxay horay shacab ugu laayeen deegaanno ku dhaw xadka Itoobiya ee dhanka Gobolka Galgaduud.

Goobjoog News