U bood dhigaalka

Suuq Lagu Iibiyo Ariga Nool Oo Laga Furay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ka qeybgalay munaasabad xariga looga jarayey Suuq cusub oo Ariga lagu iibiyo kaasi oo laga hirgeliyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Munaasabadda xarig jarka inta ay socotay waxaa ka qeybgalay ururka haweenka, xubno ka socday golaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Waxaa suuqan xariga ka jaray maamulka magaalada Gaalkacyo, waxaana ugu horreen halkaasi ka hadlay duqa magaaladaasi Xirsi Yuusuf Barre, wuxuuna bulshada ugu baaqay in si degdeg ah ugu soo guuraan suuqaasi.

“Suuqaan maanta laga billaabo waxaan rabaa inaan dadka u sheego Saddax maalin kama dambeys ah ma arki karno dad dariiqaasi Ari ku gadaya, meesha aad wax ku gadi jirteen waa waa waddo dadka u dhaxeysa, waxaa la idiin dhisay meelahan wanaagsan oo aan qoraxda lahayn, xoolaha wey u roon tahay, nadaafadeeda waa la ilaalinayaa, ulajeedkeena waxa uu ahaa inaan furno suuqaan, waa midka loogu talagalay in Ariga lagu iibiyo waxaana u bixinnay Barwaaqo, Ariga Nool ayaa lagu kala iibsan doonaa” ayuu yiri duqa Gaalkacyo.

Dhinca kale Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo ayaa ka sheekeeyay muhiimadda uu u leeyahay suuqan Ganacsatada.

“Suuqan waxa uu dhismihiisu socday muddo aan ka yareen Labo Bil oo howshiisa la waday, ilaahay waa nagu guuleeyay suuqaan quruxda badan, dadweynihii sida aad ogtihiin meesha cidlada qoraxda ah ayeey xoolaha ku iibin jireen, kadib markii aan aragnay baahida loo qabo suuq ayaan sameynay suuqaan” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Suuqan lagu iibin doono Ariga nool ayaa muhiimad ballaaran ugu fadhiya ganacsatada iibisa ariga iyo shacabka iibsanayaa intaba.

Goobjoog News