U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Wada Gobolka Bakool

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ayaa ka warbixiyay howlgallo ballaaran oo ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan deegaanno hoostaga degmadaasi.

Guddoomiyaha magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool Maxamed Macallin ayaa sheegay in howlgallada soconaya ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanno xiriiriya degmooyinka gobalkaasi.

Howlgalladani waxaa qeyb ka ah ciidamada Itoobiya waxaana dhowr jeer dhacda in ay ciidamadani isku dhafka ah la kulmaan weerarro ay kamid yihiin qaraxyo.

Guddoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay in deegaan la yiraahdo Qurac Joome oo isku xira goballada Bakool iyo Hiiraan lagu diyaarinayo ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo helay qaar kamid ah agabyadii ay u baahnaayeen ayan qaadi doonaan howlgallo ay ku baacsanayaan Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay Gudoomiyaha in ulajeedka ugu muhiimsan ee howlgalladan yihiin sidii la isugu furi lahaa dhammaan wadooyinka gobolkaasi amnigana loo sugi lahaa.

Goobjoog News