U bood dhigaalka

Booliiska Puntland Oo Sheegay Inay Ku Fashilmeen Wax Ka Qabashada Amniga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Taliska ammaanka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa qiray inay ku fashilmeen wax ka qabashada amniga waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo maalmahan dambe dilal qorsheysan ay ka dhacayeen.

Taliyaha Birmadka gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe C/rashiid Xasan Gabagabi ayaa hadalkaan sheegay isaga oo u sababeeyay in aysan jirin ciidamo tayo leh oo hadda ku sugan Gaalkacyo.

Ciidamo Amniga Gaalkacyo ku filan ayuu sheegay in aysan joogin Gaalkacyo, kuwa hadda joogana ay yihiin kuwo haysato daruuf dhaqaale ayna adagtahay inay helaan xog.

“Magaalada waxay rabtaa ciidan si fiican u habeysan oo si wanaagsan loo tayeeyay, hadda kuwa jooga wey shaqeeyaan, wax badan wey qabteen laakiin Daruuf dhaqaale baa jirta, waxaana loo baahan yahay ciidan Tayo leh” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale taliye C/rashiid ayaa shacabka Gaalkacyo gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi aanay diyaar u ahayn inay ka shaqeeyaan amniga oo ay eegtaan dadka dhibaatada ka wada magaalladaasi.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli bilihii ugu dambeeyay Waqooyiga Gaalkacyo ay ka jireen falal amniga ka dhan ah, iyadoo la dilay dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.

Goobjoog News