U bood dhigaalka

Isbaarooyin Buux Dhaafiyey Gobolka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dhibaato, cabsi  iyo walwal ku maris waddooyinka qaar ee Shabellaha Hoose Sh/hoose waa mid soo jiitameysay sanadihii dambe, sida ay tahayna dadku kama quustaan isticmaalka waddooyinka gobalkaasi, maadaama ay nolashooda ku xirantahay.

Isbaarooyin Gadiidka Lacago aan sharci aheyn looga qaado, waxaa dheer handadaad, jirdil iyo meelaha qaar oo kusfsi loogu geysto dumarka rakaabka ah ee saaran gaadiidka isaga kala goosha degmooyinka Gobalka Sh/hoose.

Waxaa dhacda haddii darawalka uusan bixin Lacagaha isbaarada in lagu wargeliyo in rakaabka la baaranayo ama dhibaato ay la kulmayaan sida dhowr jeer oo horeba dhacday.

Cali Xasan Aadan ma ahan Magaca saxda ah ee shaqsigan sababa jira awgood, waa darawal ka shaqeeya degmooyinka qaar ee gobolka shabellaha hoose, waxa uu Goobjoog u sheegay in dhowr jeer uu la kulmay dhibaato badan oo ay ka mid tahay jirdil handadaad iyo kuwa kale.

Waxa uu shegay in ay inta badan isticmalaan waddooyinka qardojeexa ah haddase aysan u samaxeyn in Xilligan ay isticmaalan sababo roobab badan oo Gobalkaasi sh/hoose ka da’ay, waxa uu ka waramayaa wadahaasi meelaha ay maraan.

“Dhibaato badan ayeey qabaan rakaabka gaadiidka, waxaa laga qaadayaa lacago aan lagu tashan, qaar baa kaa qaadaya 50 Kun shilin Soomaali ah, kuwo soo boodo ah baa ku leh keen 100 kun kuwo kale waxay dhibaateynayaan dadka shacabka ah”

Degmoyinka afgooye iyo Wanlaweyn waxa ay isu jiraan 60 Km waxaa yaalla   9 Isbaaro oo gadiidka lacago looga qaado, waxaa dheer Koontaroolka Afgooye looga baxo iyo kan laga galo dagmada Wanlaweyn.

Guddomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Ibaraahim Cali Aadan oo isna aynu wax ka weydiinnay isbaarooyinkaasi iyo sidoo kale waxay kala socdaan waxa auu sheegay in aanay jirin wax Isbaaro ah oo halkaasi yaalla.

Maxmuud Axmed Hilaal waxa uu ka mid yahay Nabadoonnada gobolka Shabellaha Hoose,waxa uu u shegay Goobjoog in Isbaroyinkaasi aysan jirin cid wax ka qabaneysa.a

“Isbaarooyinkan waa kuwo iska soo batay, dadka waa lagu dhibaa mana jirto cid si gaar ah wax uga qabaneysa”

Marka laga tago wadada aada dhanka degmada Wanlaweyn oo ay yaalaan ilaa 11 Toban  Isbaaro oo gadiidka lacago looga qaado Waxa kaloo jira wadada aadda dhanka magaalada Marka oo ah meelaha ugu ammaanka xun ee Shabellaha Hoose.

Wadada dheer ee Marka aadda waxaa yaalla 22 isbaaro oo gadiidka lacago looga qaado Todobo kamid ah waxa ay u taallaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed halka 15 ka kale ay u taallo maleeshiyo beeleed gadiidka lacago xad dhaaf ah ka qaada.

Marka la isku daro isbaaroyinka yaala wadada aada dhanka degmada Wanlaweyn iyo tan marka waa 31 isbaaro oo gaadiidka lacago looga qaado, waxaa kaloo jira kuwa kale oo intaa ka badan, balse goobahan aan shegnay ayaa ah meelaha ugu halista badan dhanka isticmaalka dadweynaha.

Ma muuqato Maamul ama dowlad si rasmi ah wax uga qabata cabashooyinka gadidleyda iyo bulshada ka soo yeraysa, marka laga tago in warbaahinta ay ka shegaan in wax ay ka qabanayaan.

W/D: Maxamed Cabdi Xasan

Goobjoog News