U bood dhigaalka

Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Lafoole Oo Qaarkood La Geeyay Isbitaalka Madiina

Sheeko:Dalka

Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Madiina ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad qaar ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay qarax Miino oo saakay ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose.

Maxamed Nuur Ciid waxa uu ka mid yahay saraakiisha caafimaad ee Isbitaalka Madiina, waxa uu Goobjoog u sheegay in Isbitaalkaasi la geeyay Lix qof oo shacab ah.

Lixda qof ayuu sheegay in mid ka mid ah Isaga oo Meyd ah la geeyay Isbitaalkaasi, Afar qofna la jiifiyay halka ruuxa kale dib loo celiyey maadaama dhaawac fudud ahaa kadib daweyn loo sameeyay.

Dadka la geeyay Isbitaalka Madiina Saddex ka mid ah waxa uu sheegay inay yihiin kuwo Miyir ahaan daboolnaa oo illaa hadda xaaladooda culus tahay.

Qaraxii ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose waxaa ku dhintay in ka badan 15 qof oo shacab ah kadib markii gaari nooca Homeyda loo yaqaan ay ku qaraxday Miino.

Goobjoog News