U bood dhigaalka

Dib u Dhis Lagu Billaabay Saldhigga Booliiska Ee Degmada Warta Nabadda

Sheeko:Dalka

26 sano kadib ayaa loo dhaqaaqay in dib loo dhiso Saldhiga Degmada Warta Nabadda ee Gobolkan , waxaana howshan iska kaashanaya Maamulka Gobolka , kan Degmada iyo Taliska qaybta Guud ee Booliska.

Si loo xaqiijiyo ammanka Degmada waxa uu sheegay taliyaha Qaybta Guud ee Booliska in lama huraan ay tahay in degmadu si degdegsiiyo lahi inay u yeelato saldhig boolis.

Waxa uu sheegay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir  Bishaar Abshir Geedi inay dhiiragelin doonaan maamulka degmada ilaa saldhigu uu ka noqonayo mid la isku halaynkaro , maadama uu yiri saldhigu waa  halka cadaaladda iyo  ammankuba ka bilowdaan.

“Taliska guud ee ciidanka Booliiska iyo mamulka gobolka oo nala joogo inaan garab istaagi doonno shaqada ay billaabeen gacan ka siin doonno, illaa saldhig walbo oo gobolka ka noqonayo mid amnigiisa, nadaafadiisa la isku haleen karo”

Waa uu sii hadlay taliyaha qaybta Guud ee Booliska Bashiir Abshir Gedi waxa uuna ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyan booliska nabadgalyadda markaas oo uu yiri waxaanu xaqiijin karnaa nabadgalyadda.

“Arrintaan aad u jeedaan horay ayeey u billaabatay weyna socotaa, waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan amniga, la shqeeyaan ciidanka amniga taageeraan saldhigyada Booliiska si ay u dhaqan gasho meesha loo socdo iyo hiliada umaddan leedahay”

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga Maxamed Axmed Riiriye (Yabooh) ayaa isago ka hadlaya ammanka  sheegay in tallabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dukaanadda ganacsi haddii aysan iska hor wareejin gawaaridda hortooda yaalla ama aysan soo wargelin Booliska .

Waxa uu sheegay in inta badan Gawaaridda qaraxday la dhigay goobo ganacsi hortooda taasna ay ku timid masuuliyad dari ay muujiyeen ganacsatadda.

“Qof walbo oo ganacsi leh waxaa laga doonayaa inuu la dagaallamo dukaankiisa hortiisa ee la dhigo gaadiidka aan la aqoon iyo qashinka wax lagu qarin karo”

Si loo sugo amniga dalka , gaar ahaan caasimadda ciidamaddu waxa ay wadaan howlgallo, hase ahaate taasi dhigeed waxaa caasimadda ka dhaca weeraro qaraxyo ah ,oo uu ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Naasahablood koow oo ay ku dhinteen shacab ,iyo Wasiir ka tirsanaa Dowladda Federaalka .

Goobjoog News