U bood dhigaalka

Madaxweynaha Oo Furay Xarun Lagu Xanaaneeyo Babdhaha Agoonta Oo Dib u Habeyn Lagu Sameeyay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliso Marwada Koowaad, Marwo Qamar Cali Cumar, ayaa maanta furay Xarunta Xanaanada Agoonta Gabdhaha Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay.

Xaruntan oo adeegyo isugu jira hoy , waxbarasho iyo daryeel kaleba loogu fidiyo in ka badan 300 oo arday, ayaa waxaa dayactirkiisa iyo dib u dhiskiisa maalgelisay safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabaddan qiimaha leh ayaa sheegay in qof walba oo Soomaaliyeed oo u istaaga inuu wax san qabto uu riyadiisa ka dhabeyn karo, isagoo u mahad celiyay maamulka xaruntan oo uu sheegay inay qabteen hawl ku dayasho mudan.

“Agoontan Soomaaliyeed ee halkan ku jirta waxay waayeen waalidkooda, mana ahan inay waayaan daryeelka ay u baahnaayeen. Waxaan ku baaqayaa in xeradan lagu soo daro agoonta kale ee gabdhaha ee weli darxumada ay hayso. Shakhsiyan waxaan ballanqaadayaa inaan ka mid noqdo dadka kafaala qaadaya nolosha gabdhahan agoonta ah. Waan u mahadcelinayaa gobolka Banaadir oo go’aansadey inuu kafaalo qaado baahida carruurta ku jirta xeradan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in jiritaanka xarumahan agoomaha ay fariin u yihiin dhammaan Soomaalida si ay u joojiyaan colaadda iyo dilka micna darrada ah ee horseeday in kumanaan carruur ah ay waayaan waalidkooda.

“Waxaad ku tashataan inaad heli doontaan dhammaan waxa ay helaan carruurta kale ee waalidiintooda nool yihiin. Ilaahay ayaa ka abaal marinaya kuwa sida xaqdarrada ah u agoonteynaya carruur Soomaaliyeed oo sida halkan ka muuqata aan xakameyn weyney dareenkeena, qiirana ay ina wada gashey , inagoo la murugooneyna gabdhahan yaryar ee agoonta ah. Qof walba oo Soomaaliyeed haka fikiro inuu nabad dhaliyo, kana shaqeeyo horumarka waddanka’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in argagixisada Al Shabaab ay weli doonayaan inay shacabka dhibaateeyaan, iyagoo saaka qarax miino ku dilay dad shacab ah oo marayey waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

“Waxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha Ramadan. Sidaad la socotaan shacabkeena intiisa badan waxay ku mashquulsan yihiin cibaadada Rabbi iyo inay Allah dembi dhaaf weydiistaan. Waxaa isla markaa magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka ka socda hawlgalo ay xilliga saqda dhexe sameynayaan ciidammadeena oo doonaya inay sugaan amniga shacabkeena. Hawsha ay ciidankan wadaan waxay la mid tahay tahajjud ama cibaado Allah loogu dhowaanayo. Sidaa darteed waa in laga xishoodaa in wax laga sheego ciidankan duruufahaasi adag ku shaqeynaya’’.

Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Danjiraha Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Soomaaliya, Dubbad Dayib Roble, iyo Nuurto Maxamed Jaamac oo ah maamulaha Xarunta Xarunta Xanaanada Agoonta Gabdhaha Degmada Boondheere.

Xa4 Xa3 Xa2 xa1

——————–DHAMMAAD–——————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada