U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Kulamo Amniga Looga Hadlayo La Leh Bulshada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta waxa uu halkaasi ka billaabay kulamo uu la qaadanayo madaxda gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ulajeedka kulamadan waxay yihiin sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada amniga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Puntland, kadib wixii ka dambeeyay bilashada bisha Ramadan dilal kala duwan ay ka dhaceen.

Warar kale oo soo baxaya waxay sheegayaan in Gaas uu isbedal dhanka maamulka ah ku sameyn doono gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi ayuu maanta oo Jimco ah kala tashan doonaan sida ugu haboon ee bulshada iyo ciidanka amniga iskula shaqeyn karaan.

Amniga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Puntland waxa uu noqday mid faraha ka baxay, waxaana ciidankii amniga magaaladaasi sugi lahaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan dhowr bilood ah.

Goobjoog News