U bood dhigaalka

Munaasabad Lagu Maamuusayey 1-da Luulyo Oo Xalay Ka Dhacday Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey 56-sano guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhammaan shacabkii ka qeybgalay munaasabbaddaasi waxaa wejiyadooda laga dheehan karayey farxad aad u weyn, waxaana goobta dadka ku madadaalinayey fannaaniin Soomaaliyeed oo qaadayey heesaha loogu talo galay maalintaan.

Waxaa munaasabbadaasi looga sheekeeyay halgankii loo soo maray in la helo xorriyadda maanta lagu naaloonayo, iyo sidoo kale sida qiimaha u leedahay midnimada umadda Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar Care, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xubnaha kasoo jeedda gobollada Waqooyi ee dalka islamarkaana dowladda Federaalka ku jira ay mar walbo u taagan yihiin in la midoobo lana adkeeyo midnimada Soomaaliyeed.

“Dadkeenaan kasoo jeeda Somaliland waxaan u taagannahay midnimo, sidii ay aabayaasheen naftooda u hureen ayaan dooneynaa inaan u hurno aniga hadda ma tagi karo gurigeyga Hargeysa, waadna dareemi kartaan, waa in laga wada shaqeeyaa midnimada” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabaddaasi hadal ka jeediyey ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, wuxuuna madaxweynaha sheegay in guud ahaan shacabka laga doonayo inay ka shaqeeyaan midnimada umadda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa uu sheegay madaxweynaha in siyaasadda dalka la hagaajin doono si aanay mar kale Soomaalida ugu kala tagin siyaasad xumo.

“Waxaan rabaa inaan ku billaabo Hambalyo shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, micnaha ay leeyihiin maalmaha Todobaadka Xorriyadda aad baa loo fahamsan yahay, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa todobaadkan ka xorroobay gumeystiyaashii, nidaamkii dowladnimada ayaa qal qal naga galay isagii ayaan rabnaa inaan saxno, waxaan rabna inaan u saxno si aanu mar kale qalqal inooga gelin, waxaan halkan ka sheegnay 26 Juun in dalka midoobayo laakiinse waxa uu ku midoobaya mabaadi adag oo mar kale aan qalqal geli karin oo wiilkeenna oo siyaasadda si ka noqotay ku tarax tagi karin, waxaan dhiseynaa midnimo qof walbo uu garanayo meeshaasi haddii la taabto meel dhib badan ka imaanayo tahay, waana inaan ku abuurnaa carruurteena berri dalka xukumi doona” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabado lagu maamuusayey maalintaan qiimaha badan ee 1-da Luuliyo ayaa habeenkii xalay ahaa sidaan oo kale uga dhacday meello badan oo dalka.

l10 l9 l8 l6 l5 l4 l3 L2 L1

Goobjoog News