U bood dhigaalka

Muqdisho: Waddooyin Loo Xiiray Dabaaldegga 1-da Luulyo

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Jicmo ah lagu arkayaa qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo diidaya isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Waxaa xiran maanta dhammaan waddooyinka soo gala taallada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho halkaasi oo lagu qabanayo munaasabad loogu dabaaldegayo 1-da Luulyo.

Waxaa halkaasi kusoo qulqulaya shacab u badan haween kuwaasi oo halkaasi ugu dabaaldegi doona maalintan.

Mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeybqaataan munaasabadda goor dhaw ka billaaban doonta taallada Daljirka Daahsoon Ee Muqdisho.

Dhanka kale waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa guud ahaan si siman uga babanaya calanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News