U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bishii June 2016-ka

Waa Mar kale iyo diwaanka dadka ku waxyeeloobay Soomaaliya bishii tagtay, Goobjoog News ayaa diiwaangalisay Dambiyada iyo Shilalka ka dhacay dalka bishii June 2016-ka intii aan haleelney.

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, haween, waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha June 2016ka oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Sooyaalka June 2016:

June 1, 2016: in ka badan 15 qof ayaa ku dhintay halka 53 ay ku dhaawacmeen qarax iyo rasaas ka dhacday Hotel ambassador ee magaalada Muqdisho ,  xildhibaanno ayaa ku geeriyooday qaraxa,  Xildhibaan C/laahi Jaamac Kaba-weyne iyo Xildhibaan Max’uud Max’ed Guure

June 4, 2016: Rag hubeysan ayaa waxay qof shacab ah ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in qofka la dilay uu ka mid ahaa dadka degamadaasi deggan, hase ahaatee lama oga ulajeedka ka dambeysay dilkiisa.

June 4, 2016: Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Meydadka Saddex ruux oo lagu dilay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dilka dadkan loo geystay ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriira aano qabiil sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saddaxda qof ee la dilay ayaa mid ka mid ah la sheegay inay tahay Haweeney, waxaana lagu dilay meel duur ah.

June 5, 2016: Howlgal ciidamada kunaandooska Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose ku dilay in ka badan 20 ka tirsan kooxaha ka soo horjeedo, iyagoo bur buriyay baro ay ku dhuumaaleysanyeen Shabaabka

June 5, 2016: Waxaa gelinkii dambe ee maalintaas magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye Sagal Salaad Cismaan oo ka howlgali jirtay warbaahinta dowladda.

June 6, 2016: Ciidamada federaalka Itoobiya iyo Liyuu Booliis ayaa dad rayid ah ku laayey Jaamac dubad oo ay dad soomaali degen yihiin kuna taalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, arrintan ayaa timid gaari ay wateen Itoobiyaan halka gaari kale oo qaat ay qabteen , in ka badan 40 oo u badan caruur iyo haween ayey Itoobiyaanka dileen.

June 7, 2016: Dad ayaa lagu xabdeeyay gaari ay saarnaayeen suuqa Xoolaha, hal wiil oo dhalinyaro ah ayaa halkaas ku dhintay.

June 7, 2016: Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxaa gelinkii dambe ee maalintaas lagu dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

June 8, 2016: Dhudi Yuusuf Aadan, Gudoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa waxaa abaarihii Maqribkii lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

June 9, 2016: Guddomiye waaxeed ka tirsan Wardhiigley oo lagu Magacaabo Maxamed Jumcaale ayey koox dabley ah ku dileen degmadaas. Waxaa uu ahaa Waaxda G. Daa’uud.

June 9. 2016: waxaa la sheegay in  16 Askari oo ka mid ahaa ciidamadii lagu dilay Halgan, Waxaa la sheegay in sidaa sameeyay xarakada Al-shabaab.

June 10. 2016: Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, ayaa xalay lagu dilay Degmadaasi, ka dib markii ay weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa. Raggan, ayaa waxay Maxamed Jimcaale ku dileen agagaaraha Isgoyska Siinaay,

June 12, 2016: Fagaaraha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu toogtay laba nin oo Soomaali ah, isla-markaana ay ku eedeeyen falal la xiriira basaasnimo.

June 13, 2016: Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay xilligii afurka Magaalada Muqdisho ku dileen haweeney, iyadoo dhinaca kalana ay dilka ka dib u suurtagashay in ay cagaha wax ka deyaan. Labadan nin, ayaa waxay haweeneyda ku toogteen Isgoyska Maana Booliyo, dhinaca Degmada Shibis. Haweeneydan waxaa magaceeda lagu sheegay Seynab Mahad.

June 14, 2016: Degmada Jowhar ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

Weerarkaan oo ay geysteen Kooxo hubaysan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Golaley oo hoostagga Magaalada Jowhar, waxaana halkaasi lagu dilay Afar ruux oo shacab ah.

Afarta ruux ee la dilay ayaa waxaa ku jirtay ruux Haweenay ah, sidoo kale waxaa goobtaasi lagu dhaawacay 5 ruux oo kale oo qaar ay Haween ku jiraan sida wararka sheegayaan.

June 14, 2016: Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dad habeenkii xalay ahaa lagu dilay deegaanka Gololey ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaadday deegaankaasi waxaana ay dileen 4 qof oo shacab ah, iyaga oo dhaawacay 5 kale sida ay dad goobjoogayaal ah inoo sheegayaan.

June 14. 2016: Askar AMISOM oo lagu dilay Mareeey, Guddoomiyaha Deegaanka Mareerey Siidow Baalle oo goobta qaraxa uu ka dhacay tagay ayaa sheegay inuu arkay meydadka Askar ka tirsan Amisom oo ku geeriyooday qaraxaasi.

Ma uusan sheegin tiro rasmi ah oo ciidamada Amisom kaga dhimatay qaraxa, hayeeshe wuxuu tilmaamay inuu arkay askar dhimatay iyo kuwa dhaawacantay.

June 15. 2016: Waxaa Muqdisho lagu dilay haweeney, ka dib markii uu toorey la dhacay saygeedii. Haweeneydan oo dhaawac ahaan lagula cararay Isbitaalka Daaru Shifaa, ayaa waxaa la soo sheegaya in halkaasi ay ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dhinaca qoorta.

June 16, 2016: Ciidamada ammaanka ee Gobolka Banaadir, ayaa tiro dad ah u soo qab qabtay dil Degmada Dharkiinley loogu gaystay Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Dhinaca Ammaanka Maamulka Degmada Dharkiinley, C/laahi Ibraahim Liibaan (Isbiimo).

June 19, 2016: Rag bistoolado ku hubeysnaa  ayaa waxay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ku dileen nin la sheegay in uu ka yimid Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose. Ninkan, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Mac Macaanka, gaar ahaan afaafka hore ee Masaajidka Cismaan Binu Cafaan,

June 19, 2016: Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku dhaawacmay qarax Bam oo lagula eegtay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Saddex Askari ayaa dhaawac soo gaaray iyo nin dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj halkaasi taalay, lama soo sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay qaraxaasi ciidamada lagu tuuray.

June 20. 2016: Kooxo hubeysan waxa ay ku dileen labo askari oo ka tirsaneyd ciidamada Dowladda. Labadan Askari ayaa lagu dilay halka loo yaqaan Biyo dageenka Xaafada Suuqa Xoolaha, kadib markii rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan si gaadmo ah Askartaan

June 21. 2016: Iska horimaad ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa sababay geerida haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka, laguna magacaabi jiray Baarliin Maxamed Aadan. Iska horimaadkan, ayaa waxaa uu ka dhacay agagaaraha Saldhiga Booliska Degmada Beled Xaawo,

June 22. 2016: Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayan in Magaaladaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Maamul Goboleedka Puntland. C/laahi Maxamed Faarax, Isu duwihii Gobolka Mudug ee Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah Puntland, ayay rag hubeysani ku toogteen xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo.

June 23, 2016: in ka badan 15 qof ayaa ku dhimatay halka 40 kale ku dhaawacmeen  dagaal ka dhacay Mudug, Dagaalladani ayaa u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada deggan waxaana ay isku hayaan dhul daaqsiin iyo Ceelbiyood.

June 23, 2016: Waxaa  Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Nabadoon Maxamed Aadan Nuur (Maxamed Carabey) oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Degmadaasi. Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa Nabadoon Maxamed Aadan Nuur ugu galay hoyga uu ka degan yahay Waaxda 21-ka Oktoobar, iyagoona xoog guriga ugala soo baxay

June 24, 2016: Saddex qof oo isu qoys ahaa, ayaa waxaa lagu dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo aan si buuxdo loo garanayn cidda dhabta ah ee dishay. Dabley hubeysan, ayaa waxay dadkaasi ku dishay xaafadda Dhagaxtuur, ka dib markii sida la sheegay ay hoygoodu ugu galleen. Saddexda qof ee la dilay oo rag ahaa,

June 25, 2016: Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku geeriyootay 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ku yaalla Koonfurta gobolka Sool.

June 25, 2016: in ka badan 15 ayaa ku dhimatay halka 30 kale ku dhaawacmeen qarax iyo rasaas ka dhacday Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho, dadka halkaas ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa wasiiru dowlaha bey’ada Burci.

Dadkii Hotelka joogay waxaa ka mid ahaa milkiilaha Goobjoog Abshir Maxamed Axmed, iyada oo ay ku dhinteen afar ilaaladiisa aheyd halka uu askari kale ka dhaawacmay.

June 27, 2016: Saciid Xeyle oo xubin ka ahaa Golaha Deegaanka Waqooyiga Maagaalada Gaalkacyo, ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay Magaaladaasi. Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxaa la sheegay inay ku toogteen afaafka hore ee hoygiisa, wax yar uun ka dib markii laga soo dareeray Salaaddii Maqrib.

June 27. 2016: Xasan Barre, Nin horay uga tirsanaa Ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa lagu dilay xaafadda Nasteexo.

June 27, 2016: Qof rayid ah ayaa lagu dilay Suuqa beerta, Waaberi, Magaalada Muqdisho

June 28, 2016: 3 qof ayaa lagu dilay duleedka magaalada Laascaanood oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagnaayeen shaqaaqado labo beelood u dhaxeeya.

June 28, 2016: Ciidamada dowladda ayaa Bajaajle ku dilay Ex Control Afgoye.

June 29, 2016: Qarax la sheegay inuu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa barqadii waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaa oo saarnaa gaari nooca loo yaqaano Cabdi Bile islamarkaana marayey wadada Warshada ee magaalada Muqdisho.

Hal qof oo la sheegay inay haweeney ahayd ayaa qaraxaasi ku geeriyootay, taasi oo ka dhaweyn halka qaraxan uu ka dhacay.

June 29, 2016: Faah Faahin Dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Bam  ahaa lagu weeraray Xabsiga magaalada B/weyne, iyadoo lasoo sheegayo khasaare halkaasi ka dhashay.

Bamkan ayaa lagu tuuray sida la sheegay albaabka hore ee Xabsiga B/weyne, waxaana la sheegay in Hal qof uu halkaasi ku dhintay Labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

June 30, 2016: Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Madiina ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad qaar ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay qarax Miino oo saakay ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose.

Maxamed Nuur Ciid waxa uu ka mid yahay saraakiisha caafimaad ee Isbitaalka Madiina, waxa uu Goobjoog u sheegay in Isbitaalkaasi la geeyay Lix qof oo shacab ah.

Lixda qof ayuu sheegay in mid ka mid ah Isaga oo Meyd ah la geeyay Isbitaalkaasi, Afar qofna la jiifiyay halka ruuxa kale dib loo celiyey maadaama dhaawac fudud ahaa kadib daweyn loo sameeyay.

Mawduucyada:Dilalka