U bood dhigaalka

Bar Cusub oo La Tartami Doonta Facebook iyo Twetter

Horay waxaa dunida caan ugu noqday Social Media badan sida Facebook, Twetter iyo kuwa kale oo badan, lakin hadda waxaa soo baxaya adeeg cusub oo Saxaafadda caalamka wax badan ay ka qoreyso.

Adeegan cusub waxaa lagu magacaabaa “Peach”, waa Maskaxda  Dom Hofmann, ninka waxaa uu horay u sameeyay shirkadda Vine oo ku caan baxdau Vedioyada sanadkii 2013-kii.

Adeegan waxaa uu dadka u suuro-galinayaa in ay Saxiibadood kula xiriiraan, ku darsadaan, Fariimo u diraan, isla markaana ay soo galiyaan sawiro.

Adeegan oo lala adeegsanayo Apple, waxaa uu awood kuu siinayaa in aad erayo adeegsato sida Gift haddii aad sawiro rabto, Music haddii aad heeso rabto, eray ayaad taabaneysaa kadib waxaa kusoo baxaya wixii aad rabto.

Haddii aad rabto in qofka aad u sheegto meesha aad joogto, waxaad taabaneysaa”Here” iyo erayo kale.Adeegan cusub ee Peach” waxaa uu u gaar noqonayaa hadda dadka heysta iOS” ama Mbilka Apple, haddii aadan hesyan hadda horay u gaar, yaan lagaa hormarin bartan cusub oo asxaabta isku arkaan.