U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Sh/dhexe Oo Digniin u Diray Beello Abaabul Dagaal Ka Wada Degmada Warsheekh

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin u diray shaqsiyaad uu sheegay maamulka inay degmada Warsheekh ka wadaan isku dirka beello wada deggan degmadaasi

Korneel Khaliif Carfaaye oo ah taliyaha Qeybta Booliiska ee gobolkaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin in shacabka Soomaaliyeed dhexdooda la isku diro.

Waxa uu tilmaamay in rag badan oo la yaqaano ay degmada Warsheekh u tageen sidii ay dagaal uga dhex hurin lahaayeen beelaha halkaasi deggan.

“Waxaan idiin sheegaynaa yaan la isku kiin dirin, dadka wada isku dirka beelahan waxaan leenahay haddii aadan ka waantoobina xisaab baa idiin taalla” ayuu yiri Taliyaha.

Xiisad u dhaxeyso beello wada deggan degmada Warsheekh ayaa maalmahan dambe halkaasi ka jirtay waxaana jira waxgarad ka tagay Muqdisho oo nabadeen ka dhex wada beelahan.

Goobjoog News