U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federal: Waa Macquul In Doorashada Daahdo…. Ficilka Ha La igu Qiimeeyo

Sheeko:Dalka

Goobjoog News ayaa noqotay warbaahintii ugu horeysay ee wareysi la yeelata Guddoomiyaha  guddiga hirgelinta Doorashada Heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle.

Abuukaate Cumar waxaa uu Goobjoog News kala hadlay shaqada guddiga, jadwal cusub ee doorasho oo ay sameeyeen, xiriirka uu la leeyahay hey’adaha kala duwan ee dalka iyo caalamka, lacagaha ay murashaxiinta dhiibi doonaan, xiriirka ka dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynye Xasan Sheekh iyo dib u dhaca la filayo in ay ku timaado doorashada dalka.

Cumar Maxamed Cabdulle, waxaa uu ku dhashay Jowhar 1957-dii, halkaas ayuu waxbarashadiisa ilaa dugsi sare ku dhameystay isagoo markii dambe 1983-dii kulliyadda sharciga ka dhameeyay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed.

Shaqooyinka uu soo qabtay 1984-2016, waxaa ka mid ahaa: Xaakim maxkamadda Isku Shuban, waaxda iibka ee warshadda dharka ee Balcad, garsoore maxkamadda degmada Jilib, waxaa uu wax ka aasaasay hey’adaha Dr. Ismaaciil Jimcaale, Tubta nabadda iyo INXA, waxaa uu sidoo kale wax ka diyaariyay dastuurka qabyo qoraalka ah 2009kii, sharciga shaqaalaha rayidka ah, sharciga shaqaalaha dowladda ee dibadda iyo sharcigii dhawaan muranka dhaliyay ee Genderka, Cabdulle waxaa uu la shaqeeyay UNDP iyo Legal Action Worldwide , isagoo markii xilkan loo magacaabayey ahaa lataliyaha dhanka sharciga ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Goobjoog News: Sidee ku timid magacaabistaada?

Abuukaate Cumar: Guddiga federaalka ah ee hirgelinta doorashooyinka waxaa uu ka kooban yahay xubno ay soo xuleen dowlad goboleedyada dalka  iyo kuwoo la soo magacaabay heer federal, xubnahaaas gobollada waxaa soo magacaabay madaxweynayaasha maamul goboleedyada  halka xubnaha ka yimid federaalka laga soo magacaabay xafiiska ra’isul wasaaraha, waxaana lagu soo saaray wareegto madaxweyne.

Goobjoog News: Markii guddiga la magacaabay ilaa iyo hadda maxaa qabateen?

Abuukaate Cumar: guddiga markii la magacaabay, muddo usbuuc gudahiis ah ayuu isu yimid, July 12-keedii, waxaa uu guda galay in uu is barto, is wacyi geliyo, in la isla akhriyo hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016-ka, waxaa kaloo aan diyaarinay xeer hoodaaskii guddigan isku dhaqi lahaa, kuna wada shaqeyn lahaa oo isku dooran lahaa iyo xeer dhaqan loo diyaariyay dhamaan dadka doorashada ku lug leh, waxaan la dekumentigan aan la wadaagnay dadka ay khuseyso doorasho.

Guddigan waxaa kaloo uu doortay guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo lix guddi shaqo oo kala ah: guddiga tababarada, hab maamuuska iyo diiwaangelinta doorashooyinka, guddiga amniga, guddiga adeegga iyo maaliyadda, guddiga warfaafinta iyo wacyigelinta, guddiga qorshaha iyo howl-gallada, guddiga abaabulka iyo dhiirigelinta ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda…waxaa kaloo uu guddiga wadaa in uu dib u eegis ku sameeyo jadwalka shaqo iyo miisaaniyadda si aan u soo saarno waqtiga rasmiga ah ee ay dalka doorasho ka bilaabaneyso.

Goobjoog News: Sidee xilkan guddoomiyaha guddigan laguugu doortay?

Abuukaate Cumar : guddigan waxaa uu ka kooban yahay 22 xubnood, waana kuu sheegay sida guddiga lagu soo xulay, waa guddi aan wax badan ka soo wada shaqeynay, guddigaas ayaa inta isu yimid waxaa uu qabsaday guddi doorasho oo 5 xubnood ah kadibna sanduuq codka lagu rido soo qaatay doorasho qabsaday, sidaa ayey ku doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen oo aniga guddoomiye la ii doortay halka guddoomiye ku xigeen loo doortay Deeqo Yaasiin.

Guddoomiyennimada guddiga waxaa u tartamay 3 qof, aniga oo ah Cumar Maxamed Cabduule, Saciid Jaamac Qoorsheel iyo Nafisa Geedi Santuur aniga ayuuna ilaahay nasiibkeyga ka dhigay, sidoo kale guddoomiye ku xigeenka waxaa u tartamay Deeqo Yaasiin, Sahro Cabdi Xuseen iyo Fardow Maxamed Ducaale?

Goobjoog News: Xilkan guddoomiyaha guddigan doorahsda iyo in aand aheyd Lataliyaha sharciga ee madaxweynaha side isu qabanayaan?

Abuukaate Cumar: waa su’aal fiican, dadka Soomaaliyeedna waxaa ay gelisay walaac, Xilka Lataliyaha sharciga waa meherad, Madaxweynaha sida uu Dhakhtar u yeelan karo ayuu u yeelan karaa Sharci yaqaan si shaqadiisa ugu fududaato, xilkaas hore iyo shaqada aan hadda hayo isma diidaayaan…Aniga Madaxweynaha kalama talin arrin siyaasad ee shaqadeyda waxaa ay aheyd sharciga oo keliya…dadka Soomaaliyeed tuhun waa qabi karaan, shaki waa qabi karaan, Laakin waxaa hadlaya ficilka ee taas ha la iigu qiimeeyo.

Goobjoog News: Shaqada Latalienimada madaxweynaha maka tagtay hadda?

Abuukaate Cumar: dadka guddigan ku jira waxaa ay ka wada tirsanaayeen markii hore hey’ado kala duwan, qofka markii uu shaqadan u soo wareego ma sheegan karyo shaqadii hore, aniga hadda ma ahi lataliyaha Madaxweynaha ee waxaan ahay guddoomiyaha doorashooyinka guddiga hirgelinta federaalka ah, maalintii la ii magacaabay ayaa waxaa istaagay in aan sii ahaado lataliyaha sharciga ah ee madaxweynaha.

Goobjoog News: Waa Maxay Waajibaadka shaqo ee guddigan?

Abuukaate Cumar: waa su’aal fiican, Guddigan waa mid qaran oo la rabo in uu dalka ka hirgeliyo doorasho isku mid ah oo isku waqti dhacda, shuruudaha wax lagu dooranayo ee dhamaan goobaha doorashada ay isku mid yihiin, ha noqdeen tartamayaasha, ergada ama qaabka loo sameynayo diiwaangelinta, waxaa kaloo waajibaadka ka mid ah in uu kormeero guddiga kale ee doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ah midka si rasmiga gacanta ugu haya howlaha uu ku hubiyo shuruudaha murashaxiinta iyo soo xulistooda, wixii khilaafaadka waxaan u gudbin doonaa guddiga khilaafaadka, ku dhawaaqista maalinta ay dalka doorasho ka dhaceyso iyo in goobta doorashada la geeyay dhamaan agabka loo baahan yahay.

Gooboog News: Ka waran dhaqaalaha ka soo xarooda doorashada?

Abuukaate Cumar: Guddigan shaqo kuma laha lacag, dalka waxaa uu leeyahay dowlad, lacagta waa in ay qaadaa hey’ad maaliyadeed, waa in ay ku dhacdaa xisaab la yaqaano, inagga waxaan ku leenahay in wixii halkaas ka soo baxay dib loogu celiyo doorashada, waxaa kaloo shaqadeenno ay tahay in lacagahaas aan weydiinno hey’adahaas oo aan warbixin ka soo saarno halka ay ku baxeen marka ay dhamaato doorashada.

Innaga waxaan ku shaqeneynaa waajibaad nala siiyay, waxaa waajibaadkaas ka mid ah in ay gooyeen golaha madasha qaranka shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta sida oo ah in aqalka sare laga qaado 10% aqalka hoosana 5% oo ah $10, 000 iyo $5000, taasi waa arrin siyaasadeed.

Goobjoog News: Jadwalka doorasho ee Madasha ay soo saartay 95%, Ma shaqeynin,  oo maanta waxaa ay aheyd in la daabaco waraaqaha Codeynta aqalka sare? Maxaa keenay dib u dhaca?

Abuukaate Cumar: Doorashadan waa ka duwan tahay tii 2012-kii, waxaa ka qeybgalaya 135 oday, waxaa ka qeybgalaya 14 kun iyo 25 ergo, dad howlwadeenno ah, guddiyada hirgelinta federaalka ah iyo midka dowlad goboleedyada, guddiga xalinta khilaafaadka, hey’ado amni….marka howl baaxadaas leh waa macquul in ay daahdo.

Goobjoog News: Ma isleedahay September 10, sanadkan Madaxweyne ayaa la dooran doonaa mise doorashada dib ayey u dhacee?

Abuukaate Cumar: Guddiga doorashada waxaa uu gacanta ku hayaa jadwalkii doorashada iyo miisaaniyadda shaqada lagu qaban lahaa, jadwalkaas dhexdiisa waxaa ku jira maalinta rasmiga ah ee doorashada ay dalka ka dhacesyo, su’aashiina jawaabteeda halkaas ayaad ka heli doontiin.

Goobjoog News: Haddii doorashada dib u dhacdo mas’uuliyadeeda ma qaadeysaan iyo wixii gaabis ah oo ka yimaada?

Abuukaate Cumar : ee eeen, shaqadeennu waa in doorasho hirgelinno ee ka mid ma ah in aan cid ku xukunno xil qaadista, guddiga waxaa uu la wadaa hey’ado badan….warbaahinta ayaa ka mid ah dadka lagala xisaabtamayo, adinka ma qaadeysaan mas’uuliyad haddii dalka qalalaaso ka dhacdo oo doorashada dib u dhacaa?

Goobjoog News: Ka jawaab eedeynta ah in aad xiriir soke la leedahay Madaxweyne Xasan Sheekh?

Abuukaate Cumar: (qosol)..aniga madaxweynaha xiriir soke lama lihi, ee waxaa naga dhaxeeyay xiriir shaqo oo waxaan kala shaqeynaayey arrin xirfad ah, waxaa ay aheyd in shuruucda baarlamaanka ka soo baxdo hubiyo in ay waafaqsan yihiin shuruucda dalka, arrimaha dastuurka  iyo heshiisyada caalamiga ah ee xiriir kale oo sokeeye oo madaxweynaha igala dhaxeeyay ma jirin.

Kooxda Gooboog News: Xasan Maxamud, Aweys Codey iyo Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News,