U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Faah Faahisay Howlgallo Dad Lagu Qabtay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo ay ciidamada amniga ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaraddaasi C/kaamil Macallin Shukri oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan lagu soo qabtay dad ka badan 250 qof, baaritaan la sameeyay kadibna laga dhex helay dadkaasi 3 ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in sidoo kale Saddexdan qof baaritaan kale lasii marsiin doono haddii ay ku cadaatana inay yihiin Al-shabaab maxkamad lasoo taagi doono.

“Waxaa lasoo qabtay dad badan oo illaa 250 ka badan, dadkaasi waxaa laga baarayey in cadowga ku dhex jiro maxaa yeelay cadowga waa mid inoo eg, waa la baaray dadkii, waxaa laga dhex helay 3 qof oo laga shakisan yahay inay lug ku leeyihiin cadowga iyagana waxay sii mari doonaan baaritaan dheeraad ah, waxaa gacanta loo gelinayaa hay’adaha ku shaqada leh kii lagu helana sharcigaa la marinayaa oo waa la maxkamadeenayaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen degmooyinka magaalada Muqdisho iyo kuwa gobollada dalka.

Goobjoog News