U bood dhigaalka

Faah Faahin: Gaari Laga Soo Buuxiyey Walxaha Qarxa Oo Lagu Qabtay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyed ayaa habeenkii xalay ahaa soo bandhigay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, lana sheegay in la dhigay meel waddo dhinaceeda ah.

Guddoomiyaha degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in gaariga meesha la dhigay ay aad ugu badan yihiin dadka shacabka ah.

Gaarigan noociisa ayaa ah NOHA, waxaa saarnaa qalab kala duwan oo la sheegay in loo adeegsado qaraxyada, waxaa ka mid ahaa Haamaha Gaaska, Biro kuwa shubka ah oo la jarjaray, Boolal waaweyn, Fiilooyin iyo Fuusto Barmiil ah oo iyana wax badan ay ka buuxeen.

NISA sidan oo kale waxay u qabatay dhowr gaadiid oo la sheegay in falal qarax ah looga sameyn rabay gudaha magaalada Muqdisho.

Hoos ka arag sawirada

10 009 008 007 006 005 004 003 002 001

Xuquuqda sawirada waxaa leh SONNA

Goobjoog News