U bood dhigaalka

Mareykanka Laguma Dhisin Cabsi, Tim Kaine

Sheeko:Dalka

Tim Kaine oo ah ninka ay Clinton u dooratay ku xigeenka  ayaa hadlay isagoo sheegay in Mareykanka aan lagu dhisin cabsi, hadalkaas oo  liddi ku ahaa Trump.

Kaine oo weerar xagga afka ku qaaday Donald Trump waxaa uu sheegay in ninkaas ganacsadaha ah uu hadal uun meesha ku haayo.

Waa Kuma Tim Kaine:

Ninka Ay Clinton Ku Xigeen U Dooratay, waxaa horay loogu rabay in Obama ku xigeen u noqdo 2008-dii, waana nin howlkar ah oo Latinos-ka ay jecel yihiin.

Congress-ka waxaa uu ka shaqeynayaa tan iyo 2012-kii, waxaa uu sidoo kale 4 sano Governer ka ahaa Virginia.

Tim Kaine oo ah wadaad si weyn u aaminsan Kirishtaanka, waxaa uu Tabshiir u aaday Latin America halkaas uu ku soo bartay afka Spain.

Shaqadiisii hore waa Abuukaatennimo, waxaa uu wax badan ka shaqeeyay arrimaha guryaha loo dhiso fuqarada iyo arrimo kale.

Inkasta oo ku soo koray  Virginia Laakin asal ahaan waxaa uu ka soo jeedaa Minnesota.

Goobjoog News