U bood dhigaalka

Somaliland: 8 Qof Oo Dil Toogasho Ah Lagu Xukumay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Darajada Koowaad Ciidanka qalabka sida ee Somaliland ayaa maanta oo Axad ah waxay dil toogasho ah ku xukunta Sideed qof oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen dilka taliyahii qeybta booliiska Saaxil Gaashaanle C/risaaq Maxamuud Yuusuf.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukun ku riddey Sideed nin oo kale oo iyaguna lagu eedeeyay in weerar ka geysteen deegaan ka mid ah Somaliland, laguna xukumay qofkiiba 7 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxamed Jaamac Cabdi oo qareen u ahaa dhammaan dadka ay maanta xukuntay maxkamadani ayaa ku sheegay in xukunkaasi yahay mid ka fog cadaaladda.

Qareenka ayaa sheegay in xukunnadan oo idil racfaan ay ka qaadan doonaan dadka la xukumay.

Goobjoog News