U bood dhigaalka

Ururka NUSOJ Oo Soo Dhaweeyay Go’aan Kasoo Baxay Maxkamadda Sare Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Ururka saxafiyiinta NUSOJ ayaa soo dhoweeyay go’aan ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka oo lagu amray in wasaaradaha Dowladda federaalku ay la shaqeeyaan ururkaasi.

Xoghayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay inay soo dhoweeyenayaan go’aanka ka soo baxay maxkamadda.

Wasaaradaha la armay inay la shaqeeyaan NUSOJ waxaa kamid ah wasaaradda Warfaafinta, tan amniga, arrimaha gudaha iyo tan arrimaha dibadda.

Macallimuu ayaa codsaday in wasaaradaha dowladda Soomaaliya ay ka inay shaqeeyaan shaqooyinka.

NUSOJ waxay maanta soo dhoweynaysaa in maxkamadda sare ee dalka ay caddeysay in doorashadii aniga iyo guddoomiyaha lagu doortay ay ahayd mid saxiix ah oo suxafiyiintu ay ka wada qeyb galeen” ayuu yiri Macallimuu.

Dhawaan suxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ururkani hoggaankooda cusub ku doortay magaalada Muqdisho kadib shirar maalmo badan qaatay.

Goobjoog News