U bood dhigaalka

Xildhibaan Xasan Macallin: Haddii Muwaadinku aanu Haysan Xorriyad Dalka Doorasho Kama Dhici Karto

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xasan Macallin oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Daljir oo hadal ka jeediyay kulan ay maalintii shalay  ku yeesheen magaalada Muqdisho ururada siyaasiga ah , ayaa sheegay in haddii muwaadinku aanu xorriyad haysan aan doorasho dalka ka dhici Karin.

Xildhibaanka ayaa sheegay ulajeedada munaasabadda ay tahay in la xoojiyo xorriyadda aasaasiga ah ee dadku u leeyihiin iney cabiraan fakarkooda:

“Munaasabadan hadalkeenu labo arrimood ayuu salka ku hayaa, tan hore doorashooyinka 2016, doorashana af Soomaaliga waa inaad wax dooratiin, waa inaad ikhtiyaar leedahay, qofka muwaadinka ah inuu xoryahay waaye, doorasho ma dhici karto haddaan muwaadinku xorriyad haysan”.

Waxa uu sheegay in ay u taagan yihiin xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadinka Soomaaliyeed:

“Annaga isbahaysiga xisbiyada Soomaaliyeed waxaan hormuud ka nahay oo u taaganahay xaqa xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadinka Soomaaliga ah, haddii la yiraahdo marka ma hadli karo, iskuma imaan karo, dadku waxay ku wada socdaan waa waxa qortaan, wixii aan qoranayna halkaan ayay ku yaallaan qabyo ha inoo ahaado, laakiin wixii aan ku heshiinay waxa waaye qof walbaa muwaadin xor ah waaye oo ciddii uu rabo dooran kara, sidii ay ula muuqato ra’yigiisana u cabbiri kara”.

Xildhibaanka ayaa talo u soo jeediyay madaxda sarsare ee dalka una sheegay in dalku u baahan yahay turid farabadan, waxaanuu sheegay inaaney jirin  dowlad awood leh oo dalkii oo dhan hanatay, sidaa darteed  loo baahan yahay in dadka iyo dalka loo turo.

Xukuumadda federaalka ayaa bishan gudaheeda soo saartay  hadallo ku aaddan shirarka siyaasadeed ee lagu qabto Hotellad Muqdisho, waxayna sheegeen inaan la ogoleyn shirar noocaas oo kale ah , arrintaas ayaa dhalin karto xadidaad ku timaadda  xorriyaddii uu qofka muwaadinka ah  xaqa u lahaa inuu fikirkiisa cabiri karo.

Goobjoog News