U bood dhigaalka

Qiimaha Mooska Oo Saddex Jibaar Sare u kacay

Sheeko:War

Sare u kacaan ayaa saameyn ku yeeshay dadkii iibin jiray iyo dadkii iibsan jiray mooska/muuska. Waxaana dadkii ka ganacsan jirey qaarkood ay ha kiyeen ka ganacsigii muuska kadib markii qiimo koror xooggan uu ku yimid qiimaha la kala siisto muuska suuqyada magaalada muqdisho

Halkii xabo oo muuska ah ayaa suuqyada lagu gado muuska waxa lagu iibinayaa lacag dhan  4000Sosh(Somali shillings), halka markii hore uu ahaa 1000 Sosh. Waxana u sare u kacay saddex laab.

Marka la eego jumlo ahaan 100 Kg oo moos ah ayaa la siinayaa  qiimo dhan  1,600,000 Sosh, 100 KG oo moos ah ayaa la iibin jirey lacag dhan 600,000Sosh balse hadda waxa 100 KG oo mooska waxa uu  suuqyada Muqdisho ka marayaa lacag dhan 1,600,000Sosh.

Shuceyb Cabdulaahi oo ka mid ah ganacsatada muuska ku iibisa suuqyada Muqdisho  ayaa Goobjoog Business u sheegey in sare u kacaan uu yahay kii ugu xooggaana muddooyinkii u dambeeyey. Waxa uu ku sababeeyey sare u kacaan inay keentey abaaro sameeyey goboladii uu muuska ka imaan jirey taas oo sababtay in ay baaba’aan qaar ka mida geedihii muuska laga soo guri jiray, waxa uu sheegay in hadda la beerayo geedo cusub oo muus ah, waxa ayna qaadanaysaa in muddo la sugu in ay mireeyaan geedaha muuska ah ee la beeray waqtigan.

Dadka ku nool caasimadda Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey sare u kacaan ku yimid qiimaha mooska iyagoo qaarkoodna ay sheegeen in ay joojiyeen iibsashada sababtaa ayay ku sheegen in aysan iibsan Karin dhaqaale ahaan.

 

Goobjoog Business