U bood dhigaalka

Sawirro: Tartanka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Bilow ilaa Dhammaad

Sheeko:Dalka, War

Ciyaarta tartanka maamul goboleeyda dalka ayaa bilowday 15-kii bishan waxaa ka qeybgalay 6 koox oo kala ah: Punland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hiiraan/She.dhexe, Jubbaland iyo Banaadir.

Groups: 

Koobka waxaa lagu furay Banaadir iyo Koofur Galbeed  5-0 waxaa ku adkaaday gobolka Banaadir, kulanka 2-ad waxaa ciyaaray Hiiraan/Sh.dhexe iyo Jubbland 2-1 waxaa ku badisay Hiiraan.She.dhexe.

Kulanka 3-ad waxaa ciyaaray Koofur Galbeed iyo Puntland 4-0 waxaa ku badisay Puntland, kulanka 4-ad waxaa ciyaaray Jubbalad iyo Galmudug 2-1 waxaa ku badisay Jubbaland halka kulan 5-aad ee ciyaareen Baandir iyo Punland 2-2 ayey ku kala baxeen, kulanka 6-aad waxaa is arkay Hiiraan/Sh.dhexe iyo Galmudug ciyaartan waxaa 1-0 ku badisay Hiiraan/Sh.dhexe.

Grpou A: Waxaa ku jiray Banaadir, Puntland iyo Koofur Galbeed, waxaa kaalinta 1-ad helay Banaadir halka 2-aad noqotay Puntland, waxaana ka haray Koofur Galbeed.

Group B: Waxaa ku wada jiray Hiiraan/Sh.dhexe, Jubbaland iyo Galmudug, Kaalinta 1-aad waxaa ku soo baxay Hiiraan/Sh.dhexe, 2-aad Jubbaland halka ay ciyaaraha ka hareen Galmudug.

Siminfinalka:

Ciyaartii ugu horeysay ee Siminfinalka waxaa la ciyaaray Jimcihii tagtay, waxaa wada ciyaaray Banaadir iyo Jubbalad, waqtigii caadiga ahaa ee 90-ka daqiiqo waxaa ay ku dhamaatay 0-0, Rigoorayaal la dhigay 8-7 waxaa ku badisay Jubbaland.

Ciyaarta labaad ee Simifinalka oo dhacday sabti waxaa wada ciyaaray Hiiraan.Sh.dhexe iyo Puntland, ciyaartan waxaa 1-0 ku adkaatay ciyaartoyda ka socotay Puntland.

Final:

Ciyaartii ugu dambeysay waxaa la qabtay shalay oo Talaado aheyd, waxaa wada ciyaaray Puntland iyo Jubblanad, Ciyaarta ayaa waxaa ay 90-kii daqiiqo ugu horeysay waxaa ay ku dhamaatay 1-1 oo ay ku kala baxeen ciyaartoyda Jubbaland iyo Puntland.

Ciyaarta waxaa lagu daray 30 daqiiqo, 15-kii daqiiqo ugu horeesay waxaa ay ciyaarta ku dhamaatay barbar dhac halka 15-kii kale aaney waxba iska badalin oo 120 daqiiqo waxaa ay ku dhamaatay 1-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta waxaa la isla aaday gool-Laad ama Rigore, 5-4 waxaa u badisay maamul goboleedka Puntland oo ku fiicnaa dhanka gool-laadka.

Goal-dhalinta:

Goal dhilinta waxaa min 4 Goal dhaliyay Ciyaaryahannada Yacquub oo u ciyaaraa Puntland oo No 16-aad sita iyo Axmed Buush oo No 16- u sida Baandir.

lacag:

Ciyaarta kulankii ugu horeeyay dadka lacag lama qaadin, Laakin kullamadii kale waxaa lagu galay 20 Kun Shilling Soomaali ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka soo qeybgalay ciyaarta furitaanka iyo xitaanka, waxaa kaloo ku wehliyay xiritaanka Ra’isul wasaaraha, wasiirka Sportiga iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Qaban-qaabo:

Ciyaarahan waxaa soo qaban-qaabiyay wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga, gobolka Banaadir ayaa martigeliyay wufuudda iyo ciyaartoyda ka timid maamul goboleedyda dalka.

Goobjoog News oo xiriir la sameysay agaasimaha guud ee wasaarrada dhalinyarada iyo Sportiga Daahir Cabdi Cabdulahi waxaa uu sheegay in ay jirto abaalmarin laakin waxaa uu ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto.

Tartanka waxaa uu ak xiiso badnaa dhanka daawashada tantanka ciyaaraha heerka koobaad ee dalka, waxaana caawa dhaceysa xaflad ciyaartoyda iyo kooxaha lagu abaalmarinayo.

W/D: Gurbiye iyo Hadaafow

Daawo Sawiradda:

IMG_8637IMG_8641IMG_8643IMG_8645IMG_8648IMG_8655IMG_8664IMG_8672IMG_8679IMG_8682IMG_8683IMG_8687IMG_8692IMG_8698IMG_8702IMG_8704IMG_8712IMG_8721IMG_8726IMG_8747IMG_8777IMG_8835IMG_8839IMG_8842IMG_8857IMG_8884IMG_8893IMG_8899IMG_8944IMG_8972IMG_8989IMG_9008IMG_9013IMG_9022IMG_9035IMG_9060IMG_9089IMG_9107IMG_9110IMG_9112IMG_9119IMG_9120IMG_9124IMG_9127IMG_9131IMG_9139IMG_9141IMG_9142IMG_9147IMG_9150IMG_9153IMG_9175IMG_9205IMG_9214IMG_9220IMG_9231IMG_9233IMG_9243IMG_9250IMG_9257DSC01079DSC01090DSC01096DSC01101DSC01074DSC01104DSC01111DSC01116DSC01140DSC01150DSC01152DSC01153DSC01164IMG_9263IMG_9265IMG_9266IMG_9280IMG_9283IMG_9303IMG_9305IMG_9321IMG_9330IMG_9344IMG_9360IMG_9364IMG_9369IMG_9390IMG_9418IMG_9442IMG_9471IMG_9477IMG_9492IMG_9499IMG_9502IMG_9533

Goobjoog News