U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga Oo Beenisay Iney Aqoonsatay Baasaboorka Somaliland, Sheegtayna In La Furayo Xarumihii Ay Maamuleysay Hay’adda Nile

Sheeko:Dalka

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya.

Safiirka ayaa ugu horreyn shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda uga mahadceliyey sida ay garab istaagga ugu muujiyeen dowladda Turkiga ugana xumaadeen afgambigii Milatari ee fashilmay.

Safiirka ayaa ka hadlay arrinta ku aadan xarumihii waxbarasho iyo kuwa caafimaad ee ku yaallay magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhawaan la xiray kadib markii hay’adda NILE oo xarumahan maamuleysay lagu amray in guud ahaan ay Soomaaliya ka baxdo.

Waxa uu sheegay Mr Baker in bisha soo aadan ee August la furi doono dhammaan xarumahaasi, islamarkaana howlihii ay shacabka Soomaaliyeed u hayeen halkooda kasii socon doonaan.

“Dugsiyada iyo Rugaha caafimaad in la xiro waxaan ka heshiinnay Dowladda Soomaaliya , Iskuulladdu bisha August waxaa loo furyaaa albaabadda”

“Annaga iyo Dowladda Soomaaliya howsheenu waa in aan waxbarashada horumarinaa, waxaana si wanaagsan uga shaqayneynaa dib u hirgelinta goobahaasi waxbarasho, ardayda waxaan u sheegaynaa in aysan waxb ka cabsan oo waxbarashadooda dib bay u helayaan’’ ayuu yiri Olgan Bekar.

Go’aanka Dowladda Somalia ay dalka uga saartay hay’adaha hoostagga Fathullah Gulein oo lagu eedaynayo inuu ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay waxaa ku xirmay xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho .

Inkasta oo magaaladda Muqdisho laga saaray hay’adda Nile ayaa weli waxa ay hay’addu baaqi ku tahay degaannadda Somaliland taas oo iminka ay ka wada hadlayaan Turkiga iyo Somaliland.

Sidoo kale Safiirka ayaa la weydiiyey waxa ka jira in ay aqoonsadeen Baasaboorka Somaliland, kadib warar lagu baahiyey baraha bulshada oo sidaasi sheegayey, wuxuuna tilmaamay in iyagu aanay aqoonsan Baasaboor, balse ay u fududeeyeen oo kaliya dal ku galka oo shacabka ku sugan halkaasi lagu siinayo warqad waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Somaliland xiriir ayeynu wada leennahay, laakiin bixitaanka iskuullada iyo arrintan la xiriirta Baasaboorka wax shaqo ah iskuma lahan, waa labo mowduuc oo gooni kala ah, Somaliland Baasaboorkooda ma aanan aqoonsan balse waxaan u ogolaannay in VISA ay heli karaan taas oo ah warqad cad’’

Olgan Bekar ayaa dhanka kale ka hadlay shaqaalahii isugu jiray turkida iyo Somaalida ee ka tirsanaa hay’adda laga saaray dalka kuwaas oo uu sheegay inay shaqaaleysiinayaan .

Sidoo kale waxa uu ka hadlay safiirka ardayda Soomaalida ee dalka Turki wax ka barta oo qaarkood ku waxbarasho beelay kadib raad galay jaamacadihii ay dhigan jireen , wuxuuna sheegay inay dib u billaabayaan dhawaan waxbarashadooda.

Dowladda Turkiga ayaa waxyaabo badan ka saacidda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana jira arday badan oo helay deeqo waxbarasho, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka furan yihiin xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad oo dowladda Turkiga gacanta ku hayso.

Goobjoog News